SOMCABLE

UCID Oo Muddeeyay Shir Xisbigu Wax Kaga Beddelayo Wejigii Siyaasadeed Ee Somaliland Ku Soo Caano-maashay

 

Hargeysa, 18 September, 2017-(Himilo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa shaaciyey Wakhtiga la qabanayo Shir aan Caadi ahayn oo Golaha dhexe ee Xisbigaasi uu ku soo dooranayo Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbigaasi.

Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Hargeysa Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Jiir Cali Madoobe iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxay ku sheegeen in 23-ka bishan September, 2017-ka la qaban doono Shirka Golaha dhexe ee aan Caadiga ahayn, kaasi oo wax ka badan ka beddeli doona Siyaasadda Somaliland.

“Waxa la soo gaadhay Wakhtigii uu Xisbiga UCID uu Siyaasadda Somaliland Min Bari illaa Galbeed uu wax badan ka beddeli lahaa. Xisbiga UCID wuxuu iclaaminayaa, Golaha dhexe inta Dalka Gudihiisa ka joogtaana ogyahay in 23-ka bisha September, 2017-ka inuu dhici doono Shirka Golaha dhexe ee aan Caadiga ahayn, kaasi oo ka dhici doona Huteelka Adam’s ee Magaalada Hargeysa..” ayuu yidhi Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UCID oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu Goostay inaanu buuxin Boosas badan oo Xisbiga ah iyadoo ay Ciddi ka maqan tahay Dadkii ay talada Somaliland ka go’say..”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Mr. Ismaaciil oo isaguna gabogabadii halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ILAAHAY ka sakow, UCID uu diyaar u yahay inuu wax badan u qabto Somaliland haddii Shacabku Codkooda ku doortaan Musharraxiintooda Doorashada uga qayb-galaya “ILAAHAY-baa wax dhamayn kara, laakiin waxaanu ku dedaalaynaa inaanu Lillaahi ku shaqeyno oo aanu ugu adeegno Ummaddayada Taagta Daran ee uu aafeeyay Siyaasiga Taagta Daran, ee wax Qiimo ah oo uu Ummaddiisa siinayaa aanay jirin.” Ayuu yidhi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID.

Musharraxa Madaxweynaha ee UCID, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa hore u sheegay in Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka UCID noqon doono Siyaasi ka soo jeeda Gobollada bariga Somaliland, taasi oo ah Siyaasad cusub oo Xisbiga UCID u jeexay Siyaasadda Somaliland, maaddaama oo intii Somaliland jirtay Musharraxiinta Madaxweyne ku-xigeennadu ay ka soo baxayeen Gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Gobolka AWDAL.