SOMCABLE

UCID Oo Ku Baaqay In Dadkii Gaadiidkoodu Ku Xumaaday Shidaalka Wasakhaysan La Siiyo Lacagta Lagu Ganaaxay Maamulka Haamaha

Hargeysa, 6 Meey, 2018 (Himilo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa diiddan in
Qasnadda Dawladda lagu shubo Lacag Cadadkeedu dhan yahay 350 kun oo dollar oo lagu
ganaaxay Shirkadaha Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, ka dib markii
Gaadiid badan oo kuwa Dadweynaha ah ay ku fadhiisteen Shidaal wasakhaysan oo
Haamaha lagu shubay.
Guddi ka socda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Shalay booqday Xafiiska Komiishanka
dhowrista Tayada ee Dawladda Somaliland, ayaa sheegay in Agaasimaha Dhowrista
tayada oo ay waydiiyeen in Lacagta Shirkadaha Maamulaha Haamaha Kaydka Shidaalka la
siinayo Dadkii Baabuurtoodu ku xumaatay Shidaalka xumaaday iyo in kale, ayay sheegeen
in Agaasimuhu u sheegay in Lacagtaasi ku dhacayso Qasnadda Dawladda isla-markaana
aan waxba loo haynin Dadkii Gaadiidkooda dhibaatadu soo gaadhay.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo ka mid ah Guddiga
UCID ee la kulmay Agaasimaha dhowrista Tayada oo Saxaafadda la hadlay Shalay ayaa
sheegay in UCID ahaan aanay ku qancin Jawaabta Agaasimaha dhowrista Tayada,
waxaanu yidhi “Guddi ahaan waxaanu Komiishanka dhowrista tayada soo waydiinay dhowr
su’aalood, laakiin Jawaabaha uu na siiyey Agaasimaha Dhowrista Maxamed Geeddi maaha
wax Annaga iyo Shacabka aanu Wakiilka ka nahay na qanciyey, wuxuu noogu jawaabay in
Lacagta (lagu Ganaaxay Shirkadaha Maamulaha Haamaha Kaydka Shidaalku) inay ku
dhacayso Qasnadda Dawladda, Dadkii Baabuurtooda Mishiinnada laga furay iyo kuwa illaa
hadda Cilladdooda la garan la’yahay aanay wax Alaale iyo wax loo hayaa aanay jirin ayuu
noo sheegay, Xeerka ay ku aasaasan yihiin ay jabiyeen boqol Qodob.”
Yuusuf Kayse waxa kale oo uu sheegay “Madaxweynaha JSL waxaan ugu baqayaa
Lacagtaa xaddigeedu badan yahay waa inay laba meelood mid uun gashaa Dadka
baabuurtoodu Geerashyada yaallaan ee aan awoodayn inay samaystaan inaad lacagtaa
siisaan ama wax ha loogu dhiso Darbi-jiifka, yeeli waa, Baabuurtan xumaatay Waddada ay
maraan ha la inoogu dhiso.”ayuu yidhi.

Leave a Reply