SOMCABLE

Tuugadii Ugu Casrisaneyd Ee Somaliland Ka Dhacda, Oo Magaalo Illaa Miyi U Kala Gudubtay, HIMILO Oo U Kuurgalay, Sidii Lagu Ogaaday & Dareeenka Xukuumadda

Tirada Eedaysanayaasha Ee Gacanta Lagu Soo Dhigay Iyo Waxyaalihii Ay Uga Faa’iideysteen Hantidii Ay Xadeen

Xukuumadda Oo Falkan Kaga Dareen Celisay Farriin Hanjabaad Iyo Codsi Isugu Jirta

Hargeysa, 06 July, 2018 (Himilo)-Tuugo aan noocooda hore loogu arag dalka JSL ayaa markii ugu horreysay ka dhacday, isla markaana u kala gudubtay Magaalada Hargeysa ilaa Tuulooyinkii dhinaca galbeed kaga teedsan.

Warka KoowaadTuugadan ayaa maalmo ka hor waxay Hargeysa ka xadeen gaadhi noociisu yahay SURF, lambarkiisuna yahay 41791, waxaanay la maqnaayeen muddo lix maalmood.

Tuugadan ayaa tiradoodu dhan tahay toban xubnood, waxaana guud ahaan la soo qabtay markii ciidanka Booliska oo baadidoon xoogan ugu jiray gaadhigaasi sidii loo heli lahaa ay heleen hadhaaga gaadhigii la xaday oo yaalla badhtamaha doox ku yaalla agagaarka Tuulooyinka Xagal, Abaarso, iyo Sh. Mooldhe.

Haddaba, wararka xaqiiqada ah ee uu soo gaadhaya Wargeyska Himilo ee ku aadan ujeedadii iyo qaabkii ay tuugadaasi uga faa’iideysteen gaadhigii ay xadeen iyo hawlgalkii kale ee ciidanka Boolisku ku fuliyeen sidii lagu soo qaban lahaa ayaa waxay u dhaceen sidan, “Tuugadan ayaa gudaha magaalada Hargeysa xilli habeenimo oo ku beegan 7:10pm oo ay taariikhdu aheyd 31kii bishii 7aad ee sanadka 2018, ayaa waxay ka xadeen xaafada Jigjiga yar Gaadhi noociisu yahay Surf-ka oo lambarkiisuna yahay 41791, waxaana la sheegay inay isla markiiba ay gaadhigii kala baxeen gudaha magaalada oo ay la tageen dhinaca miyiga gaar ahaana tuulooyinka dhinaca Koonfur Galbeed kaga teedsan Hargeysa, sidaasi awgeedna waxay gaadhigii ku xidheen amase saareen sida la sheegay sameecado waaweyn oo meel fog gaadhsiinaya codka, tuugadan ayaa la sheegay inay dadweynaha reer miyiga ah ee ku dhaqan tuulooyinkaasi ay ka kireeyeen sameecadihii oo ay ka tumeen tiro ba laba aroos oo sida la sheegay goobahaasi ka qabsoomay”.

Intaasi kadibna, wararka Wargeyska Himilo helayo ayaa waxay sheegayaan in tuugadaasi oo wali ku guda jirta hawlahaasi ay u ban baxeen in uu gaadhigii ka galay doox ku yaalla meel u dhaxeysa tuulooyinka Abaarso iyo Xagal, sidaasi awgeedna waxay gaadhigii kaga tegeen halkaasi, waxaanay ka dul qaateen sameecadihii waa weynaa ee ay dul saareen ee ay ugu tumayeen Aroosyada Miyiga, taasina waxay noqotay raadkii ugu horreeyay ee ay raacaan ciidanka Boolisku, isla markaana u sahlay inay si fudud gacanta ugu soo dhigaan tuugadii gaadhigan Surf-ka ah ka xaday gudaha magaalada Hargeysa oo lagu sheegay in tirada guud ee kiiskaasi ku eedaysan ee ay boolisku hayaan ay tahay toban wiil oo dhallinyaro ah”.

Dhinaca kalena, falkan xattooyada gaadhiga Surf-ka ah ee lambarkiisu yahay 41791, waxa markii la helay ka dareen celiyey sidii loogu guuleystay isla markaana u mahad celiyey ciddii ku guuleysatay ba mulkiilihii gaadhiga la xaday oo Mustafe Maxamed Khayre, waxaanu yidhi, waxaanu dareenkiisa ku baahiyey barta uu ku leeyahay internet-ka ee facebook, waxaanu u u dhignaa sidan, “Ugu dambayn waan ku faraxsanahay in aanu soo helnay raqdii gaadhiga isla markaana soo qabanay dambiileyaashii, waxaan u mahadcelinayaa Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Jaamac Axmed iyo Badhasaab-Xigeenka Maroodijeex Khadar Baaruud oo xil weyn iska saaray sidii ay u fashillin lahaayeen dembigaas halista ah ee ku soo kordhay gobolka ay Qaranka masuulka uga yihiin. Khadar Baaruud oo aan hawshaa mar keli ah ka nasan si gaar ah ayaan ugu mahadcelinayaa.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa asxaabta kala ah Axmed-yaasiin Muxumed Cadde, Mahdi Cumar Sheekh iyo Axmed-Lafo oo gacan ka geystay hawlihii baadhitaanka, Waxa kale oo aan iyagana u mahadcelinayaa Booliska degmada Ibraahim Koodbuur oo xalay oo dhan hawlgalka qabashada eedaysaneyaasha ku mashquulsanaa, gaar ahaan Taliye Axmed Abokor iyo Cadnaan Suldan Xasan oo isaguna hawlgalkaasi gacan culus ka geystay, iyo waliba intiinii ila soo xidhiidhaysay ama ii soo dirtay iyo intiini Facebook-ga ku baahiysay idinkana si weyn ayaan idiinku mahadnaqayaa”. Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mustafe Maxamed Khayre

Warka Koowaad 1Sidoo kalena, Arrintan ayaanay ka hadal Boolisku, isla markaana Wargeyska Himilo u suurto gelin inay si toos ah ugu warramaan masuuliyiintii booliska iyo xukuumadda ee hawshan gacanta ku hayey, markii aanu marar dhawr ah aanu isku daynay inaanu khadka teleefanka kula xidhiidhno, balse guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex MD Khadar Baaruud, ayaa isaguna qoraal uu kaga hadlayo arrintani waxa uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay internet-ka ee facebook, waxaanu yidhi “Waan ka xumahay walaalkay Mustafe Khayre gaadhigiisii in sidaa loo galay oo inta lagaga tegay dooxa deegaanka Xagal ee galbeedka magaalada Hargeysa badhtankiisa daadkiina uu qaaday.

Waxaase farxad weyn inoo ah in aynu gacanta ku hayno eedaysanayaashii cadaymo wanaagsanna aynu u hayno fal dambiyeedkan caqli xummaanta ah ugubkana innagu ah in dhaweydna hadalhayntiisu innagu soo badanaysay.

Gaadiidkii hore dhibta loogu geystayna raadkoodii waanu ku daba jirnaa dadkii dhibaatadaa shacabka u geystayna abaalkooda ayeynu marinaynaa sharcigana waynu hor geynaynaa haddii Alle yidhaa wixii xog dheeraada ka haya arrintan waxaanu ka codsanaynaa inay la socodsiiyaan una gudbiyaan laamaha ammaanka ee Gobolka.

Dhammaan intii ka qayb qaadatay hawshan way mahadsanyihiin gaar ahaan shacabkii sida hagar la’aanta ahaa u gacan siiyey dawladda, si gaar ahna waxaan ugu mahadnaqayaa walaalkay Mustafe Maxamed Khayre oo kiiskana dhibbane ka ahaa, dawlad ahaanna si weyn uga qaybqaatay baadi goobka kamanuu niyad jabin hal mar tan iyo maalintii laga xadayna saacad kasta wuu sara taagnaa”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex

Ugu dambayn, Falkan foosha xun ee ah tuugada Gaadiidka dadweynaha ayaa ah halis ku soo badanaysa gudaha caasimada dalka, isla markaana u baahan in si weyn ay isaga kaashadaan shacab iyo dawlad oo looga hor tego, iyadoo lagamamaarmaana ay tahay inay dadweynuhu ay had iyo jeer gacan ka geystaan sidii falalkaasi ay uga gacan siin lahaayeen ciidammada ammaanka ee ku guda jira hawlahaasi, waxaanu Wargeyska Himilo uu kula talinayaa Xukuumadda inay la timaado qorshe dhab ah oo lagu jiheynayo dhallinyarada iyo sidii looga wacyigelin lahaa inay ku tallaabsadaan falal halis galinaya dadka iyo dalka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply