SOMCABLE

TURKIGA: Mid Ka Mid Ah Suuqyada Ugu Waaweyn Magaalada Istanbul Oo Roobab Laxaad Leh Kala Xidheen !

Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga waxa ka da’ay roobab laxaad leh roobabkaasi ayaa waxa ay waddooyinka qaar ka dhigeen sida wabiyada oo kale.

Wakaaladaha wararka dalkaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxay baahiyeen muuqaalo kala duwan oo muujinaya dhibaatada roobabkaasi ay soo gaadhsiiyeen suuqyada qaarkood, waxaana dhibaatada ugu badani soo gaadhay suuqa taariikhiga ah ee magaaladaasi ee la yidhaahdo Aminono.

Muuqaaladaasi ayaa sidoo kale muujinayey ganacsatada suuqaasi oo isku dayaya in ay alaabahooda ka baadbaadiyaan daadka soo galay, balse ay awoodi la’yihiin suuqaasi ayaa gabi ahaan ba qarqoomay.

Magaalada Istanbul ayaa ah magaalo ganacsiyeed aad u heer sarreysa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply