SOMCABLE

Tunisia: Muuqaal Lagu Baahiyey Baraha Bulshada Oo Argagax Ku Riday Dadka Ku Dhaqan Dalkaasi, Xukuumadda Oo Baadi Goobaysa Cida Falkaasi Geysatay !

Dalka Tunisia ayaa waxa maalmihii u dambeeyay lagu qaadaa dhigayey muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada oo muujinayey wiil yar  oo lagu qasbayo laguna jidh dilayo inuu cabo sigaar.

Wiilkan yar ayaa waxay da’diisu aheyd laba sano waxaana muuqaalkaasi muujinayaa in cabista sigaarka iyo maandooriyayaal kale lagu qasbayo, sidoo kalena Hooyada wiilkaasi yar dhashay ay daawanayso balse aanay waxba ka qaban karin.

Xukuumadda Dalkaasi ayaa waxay sheegtay in muuqaalkaasi uu ahaa mid aad u fool xun isla markaana argagax galiyey dadka isla markaana uu ka soo horjeedo caadooyinka iyo dhaqanka ay leeyihiin dadka dalkaasi u dhashay waxa aanay madaxda xukuumadaasi sheegeen in aanay ka daalayn helista dadka muuqaalkaasi baahiyey iyo sidoo kale kuwa ku jira ee wiilkaasi yar dhibaatada intaa leeg u geystay waxa aanay xukuumaddu sheegtay in dambiilayaashaasi sharciga la hor keeni doono oo ay mutaysan doonaan ciqaab aad u darran.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply