SOMCABLE

Tirada Khasaaraha Nool Iyo Mood Ee ay Sababeen Shilalka Gaadiidku Oo La Soo Bandhigay

Hargeysa, 13 Oct, 2019 (Himilo)-Khasaaraha Shilalka Gaadiidku sababaan oo aad u kordheysa iyo Tiradooda oo ay si rasmi ah u soo bandhigeen Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka JSL Gaashaanle dhexe Khadar Jaamac Cilmi, ayaa faahfaahin ka bixiyey heerka shilalka iyo tirada khashaaraha ay geysteen, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Bishii 1aad ilaa bishii 9aad ee sanadkan 2019 waxay dhimashadu maraysaa 136qof, dhaawacuna waa 2,549qof, khasaarena waxa weeyi 1,831, dhimashada Xooluhuna waa 126neef, dhismayaasha dumey ee kala ah Jiingad, Carriish, Sandaqad ama Kolley Jaad-na waa 45, Biraha laydhkuna waxay mareyaa 61, markaa isugeytoodu waa 3,527”.

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka JSL Gaashaanle dhexe Khadar Jaamac Cilmi, waxa kale oo uu tilmaamay sababaha keena shilalka, “Waddayaasha qaarkood oo aan aqoon fiican u laheyn kaxeynta Baabuurta, Taxadir xumo ka timaada Waddayaasha qaarkood, Socodka dheer ee waddayaasha qaarkood ku waddaan baabuurta, Suuqyada buuxa ee ay dadku cidhiidhiyeen iyo carruurta yaryar ee dabada qabsata, Callaamadihii waddooyinka oo dhammaan ka maqan, sababta kale ee ugu daran ee shilalka dhalisaa waa Dirawalka oo isticmaalaya taleefanka gacanta”.

Intaasi kadibna, Taliyuhu waxa uu farriin u diray Waddayaasha Gaadiidka, “Bisinka u qabta marka aad kaxeynaysaan Baabuurta oo si degan u wada”.

Sidoo kalena, Taliyuhu waxa kale oo uu faray Ciidanka amarkan, “Ciidanka jooga Kaantaroolada na waxaan farrayaa Dirawalka aan liisan laheyn iyo Gaadiidka aan sharcigiisu u dhameystirneyn in ay xerada ku soo celiyaan oo ay keenaan Xerada Taraafikada si tallaabo sharci ah looga qaado”. Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaybta Nabadgelyada Waddooyinka JSL

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply