SOMCABLE

Thialand: Tiro Maroodiyo Ah Oo U Dhintay Si Ay Badbaadiyaan Maroodi Dhal Ahaa !

Naxariistu waa arrin noole kasta ku abuuran waxaana arrintaasi ina tusaysaa dhacdadan aad u layaabka badan ee ka dhacday dalka Thialand oo ah in shan maroodi ay u geeriyoodeen sidii ay u badbaadin lahaayeen maroodi yar oo dhal ahaa.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday seeraha ku yaalla dalkaasi ee loo yaqaano Khao Yai kadib markii maroodii uu u dhacay meel biyo shub ah isla markaasina sida sawirka ku cad ay shantaasi maroodi ka daba tegeen iskuna dayeen in ay soo badbaadiyaan, balse nasiib darro way kaga daba dhaceen.

Sidaana waxa lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska himilo ka soo xigtay goobtan ayaa ah goob halis ah oo xayawaan badani ku naf waayeen waxa aanay maamulka seerahaasi sheegeen in ay ay halkaasi ugu tegeen lix maroodi oo geeriyooday iyo sidoo kale laba maroodi oo halkaasi ka laalaaday isla markaana isku dayey in ay soo badbaadiyaan lixdaasi kale ee biyuhu qaateen.

Arrintan ayaa ah arrin ina tusinaysa in dareenka naxariistu uu yahay mid noole kasta weheliya.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply