SOMCABLE

TACSI Ku Socota Guddoomiyaha Wargeyska Himilo Suxufi Madar Cabdi Axmed

Hargeysa (Himilo)-INAA LI LAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, Madaxda, Suxufiyiinta, Hawlwadeenada, Asxaabta iyo Akhristayaasha Wargeyska Himilo waxay dhammaantood tacsi u dirayaan Guddoomiyaha Wargeyska Himilo Madar Cabdi Axmed oo Aabihii Marxuum Cabdi Axmed Cige oo xalay ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xero-awr ee Magaalada Hargeysa, isla markaana duhurka maanta oo Arbaca oo ay taariikhdu tahay 26.06.2019 lagu aasi doono Xabbaalaha Baqiic ee Waqooyiga Hargeysa, waxaanay Asxaabtani Marxuumka ILAAHAY uga baryayaan inuu ugu deeqo Naxariistii Jannatul Fardowsa oo uu Iilka neecow qabow iyo narruuro ku siiyo. AAMIIN…AAMIIN…AAMIIN. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply