SOMCABLE

Taariikhda Askarigii Ugu Da’da Yaraa Ee Ka Qaybgalay Dagaalkii Koowaad Ee Adduunka !

Waxa jiray dad aad u tiro badan oo ku biiray ciidammada ka soo jeeday dalkooda xilligii dagaalkii koowaad ee Adduunka waxaana lagu qiyaasay tirada dadkii xilligaasi ka qaybgalay dagaalkaasi ee ay da’doodu ka yareyd 18 jirka inay ahaayeen ilaa 250 kun oo qof kuwaasi oo hiil iyo hooba la garab taagnaa waddankooda Britain sida uu cadeeyay maamulka Dalkaasi.

Haddaba, Askarigii ugu Da’da yaraa ee ka qayb galay dagaalkaasi ayaa waxay da’diisu xilligaasi aheyd sideed jir, waxaanu u dhashay Dalka Serbia waxa aanu ka mid noqday ciidammadii Dalkii Serbia ee dagaalkaasi ka qaybgalay, Askarigaasi ayaa waxa la odhan jiray Momcilo Gavric.

Sababta wiilkaasi ay da’diisu aheyd 8jirka ku kaliftay inuu ka mid noqdo ciidankaasi ayaa waxay aheyd weerar ay ciidammada shisheeya kusoo qaadeen tuuladoodii ay deganaayeen, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen labadiisii waalid iyo toddoba Carruur ahaa oo ay walaalo ahaayeen, waxaanu sidaasi ku noqday Askarigii ugu yaraa ee dagaalkii koowaad ee Adduunka ka qayb galay.

Leave a Reply