SOMCABLE

Taariikhda Aasaaska Qaar Ka Mid Ah Jaamacadaha Dunida  Ugu Caansan !

Aqoonta iyo waxbarashadu waa tiir ka mid ah tiirasha ugu muhiimsan ee Nolosha Qofka, hadafka wax loo bartaana ma aha in lagu shaqao tago amase lagu xoogsado ee waa in Aqoontu noqota mid uu qofku naftiisa ku hago isla markaana waxa habboon in ugu horreyn uu qofku aamino in aqoontaasi ay waxtar u leedahay naftiisa.

Jaamacadaha kala duwan ee haatan Dunida ka furan ayaa ah kuwa xilli aad u horreysa la aasaasay, balse waxaad moodaa in qaar ka mid ah tayadood haatan hoos u dhacday, haddaba, waxaan hoos ku xusi doonaa Sanadadii La Aasaasay qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu Faca Weyn Caalamka:

Sanadadii la aasaasay Jaamacadahan:

1.Jaamacada Al-Azhar: 965.

2.Jaamacada Bologna: 1088.

3.Jaamacada Oxford: 1096.

4.Jaamacada Salamanca: 1218

5.Jaamacada Sorbonne: 1200

6.Jaamacada Cambridge: 1209.

7.Jaamacada Paris: 1257.

8.Jaamacada Harvard: 1636.

9.Jaamacada Serampore: 1818.

10.Jaamacada Indonesia: 1851.

11.Jaamacada MIT: 1861.

12.Jaamacada Nanjing: 1888.

13.Jaamacada CIT: 1891.

14.Jaamacada Stanford: 1891.

15.Koolajka Imperial College: 1907.

Jaamacada Azhar ee Dalkaasi Masar ayaa ah jaamacada ugu faca dheer 15ka Jaamacadood ee aynu taariikhdoodii la asaasay sheegnay, Jaamacada Azhar ayaa waxay dad badani aaminsan yihiin in tayadeedu hoos u dhacday oo aanay ahayn sidii hore loogu yaqaanay waxaana isweydiin muddan Sababta Hoos u Dhacaasi ku keenay Jaamacatul Azhar Al-shariif.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply