SOMCABLE

Suxufi U Dhashay Dalka Britian Oo Lagu Dilay Dalka Lubnaan !

Suxufi u dhashay Dalka Britain oo magaciisa la odhan jiray Gavin Ford  kana hawl gali jiray Dalka Lubnaan ayaa qudha laga jaray.

Suxufi Gavin oo ka mid ahaa hawl wadaneeda Radio One Lubnaan isla markaana soo jeedin jiray Barnaamij ay aad u xiiseeyaan dadka u dhashay Dalka Lubnaan ayaa meydkiisa laga helay gurigii uu deganaa.

Mid ka mid ah saraakiisha Ammaanka Dalkaasi Lubnaan ayaa oo la hadlay Wakaalada wararka ee France oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa uu cadeeyay in baadhitaanada arrintaasi la xidhiidhaa ay wali socdaan, balse baadhitaanadii ugu horreeyay ay cadeeyeen inay dambi dal ah oo gacanta lagu soo dhigi doonoo ciddii geysatay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply