SOMCABLE

Suuriya: Qof Bukaan Ah Oo Calooshiisa Laga Soo Saaray Tobanaan Qallimaan Ah Iyo Beytari !

Waa arrin aad u layaab badan In qof Aadaame ah uu liqo amase calooshiisa loogu tago qalliimaan iyo Beytari iyo sidoo kale biro kale.

Bukaakan ayaa waxa uu ku Nool yahay Magaalada Laadiqiya ee Dalkaasi waxaana lagu Sameeyay qaliin calooshiisa lagaga soo saaray alaabtaasi kala duwan, qaliinka aadka u layaabka badan ayaa waxa fuliyey dhakhtar u dhashay Dalkaasi Suuriya oo magaciisa la yidhaahdo Daalib Al Cali.

Dr Daalib, faahfaahin kale oo dheeraad ah kamuu bixin sababta keentay arrintani waxa aanu xaqiijiyay oo keliya in Bukaankaasi Haatan xaaladiisa Caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply