SOMCABLE

Suuriya: Budhcad Xadi Jirtay Shidaalka Ka Soo Baxa Magaalada Xumus Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay !

Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Suuriya ayaa waxa ay sheegtay in ay gacanta ku dhigeen niman budhcad ah oo xadi jiray shidaalka ka soo baxa magaalada Xumus ee dalkaasi isla markaana ka ganacsan jiray.

Budhcadan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen shaqaalaha ka hawl gala goobta lagu sifeeyo shidaalkaasi waxa aanay la heshiyeen dad degan tuulo u dhaw magaaladaasi si ay ugu sii gudbiyaan isla markaana u iib geeyaan.

Ciidammada bileyska magaalada xumus ayaa sheegay in nimankaasi ay shidaalka ku qaadi jireen gaadhi ka mid ah gawaadhida dab-damiska oo ka mid ahaa gawaadhida dab-damiska ka shaqeeya gudaha goobtaasi lagu sifeeyo shidaalka.

Xaddiga shidaalka ee ay nimankaasi oo tiradooda shan tahay ay lunsadeen ayaa waxa ay ciidammada bileysku ku sheegeen in ay dhan tahay 25,000 oo litir oo u badan Baatrool, ciidammada ayaa sheegay in dhammaan budhcadaasi ay haatan gacanta ugu jiraan ciidammada isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply