SOMCABLE

Suuqyada Qadiimiga Ah Ee Magaalada Marrakesh Oo Dad U Tiro Badan U Dalxiis Tagaan Sanad Walba !

Suuqyada qadiimiga ah ee ku yaalla Magaalada Marrakesh ee dalkaasi Morocco ayaa waxa qofka u dalxiis tagaa marka ugu horreysa uu la dhacayaa waxyaabaha qadiimiga ee suuqaasi lagu iibinayo iyo sidoo kale Miyuusigada dalkaasi oo ah mid dadka suuqaasi ka ganacsada ay aad u dhegaystaan isla markaana ah mid soo jiidata dadka dalxiisayaasha ah.

Dukaamada ugu badan ee suuqyadaasi ayaa waxa ay ku yaalaan goobta la yidhaahdo Waqooyiga Masaajidka Al-fana halkaasi oo ay ku yaalaan dukmaada qadiimiga ah waxaana lagu tilmaamaa suqaasi in uu yahay suuqa ugu muhiimsan suuqyada Magaalada Marrakesh.

Dadka suuqaasi taga ayaa waxa ay had iyo jeer ka soo iibsadan sijaayadaha iyo  waxyaabaha harraga dabiiciga ah ka samaysan iyo sidoo kale Marmarka.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay in isla goobtaasi ay ku sugan yihiin in ka badan 2,600 oo xirfad yahan oo u dhashay dalkaasi kuwaasi oo goobtaasi ku soo bandhiga waxa ugu badan ee laga iibsadaana waxa ay yihiin waxyaabaha ay gacantooda ku sameeyeen sida kabaha middabyada kala duwan iyo dharka tolan ee suufka laga sameeyo.

Suuqyada Magaalada Marrakesh ee dalkaasi Morocco ayaa ah kuwo dhaqaale aad u badan soo galiya dalkaasi gaar ahaan xilliyada ay dadka dalxiisayaasha ah u dalxiis tagaan.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply