SOMCABLE

Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Si Weyn Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyey & Ujeedada Socdaalkiisa

Hargeysa, 08 Sep, 2019 (Himilo)-Suldaanka Guud ee Beesha Galbeedka Burco Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo weftiga uu hoggaaminayo oo u badan Madax dhaqameed ayaa muddooyinkii u danbeeyey hawlo nabadeed u fadhiyey amase u joogay Gobolka Sanaag.

Haddaba, Suldaanka iyo Weftigiisa oo shalay ka soo kicitimay magaalo madaxda Gobolka Daad-Madheedh ee Ood-weyne ayaa markii ay soo gaadheen Magaalada Hargeysa oo si diiran loogu soo dhaweeyey waxa uu Suldaanku ka war bixiyey ujeedada socdaalkiisa waxaanu yidhi, “Annagu sidaa la sheegay waxaanu ku ambabaxnay Nabadgelyo oo waanu soo helnay oo tii aanu doonay waanu soo helnay, Nabadgelyo ayaanu sidnaa oo waxaanu rejaynaynaa inay halkan ka fududaato oo wixii yara xaal xaal ahi ay halkan ka dhammaadaan”.

Dhinaca kalena, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Golaha Wakiillada JSL ayaa oo ka qayb galay soo dhaweynta Suldaanka iyo Weftigiisa ayaa waxa uu yidhi, “Waxaanu jecel nahay in aanu idin tusno in diyaar la idiin yahay Dawlad iyo Shicib ba, haddii aanu Habar Awal nahayna waanu idin soo dhaweynaynaa oo diyaar ayaanu idiin nahay”. Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray, “Suldaan Maxamed Xirsi Qani waxa uu ka mid yahay midh-midhka tirada yar ee innagu soo hadhay ee waa inaynu illaashanaa”.

Sidoo kalena, Xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa isaguna waxa uu sheegay in Suldaanku yahay Nin nabadeed, “Weftiga Ballaadhan ee hoggaaminayo Suldaanka guud ee beelaha Nabada jecel waan u mahad naqayaa, waxaanan idiin sheegayaa in Suldaanku aanu kelidiin Suldaan idiin aheyn ee uu Suldaan u yahay guud ahaan dadka Nabada jecel oo dhan”. Ayuu yidhi Suldaanku

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply