SOMCABLE

Sucuudiga: Qoys Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo U Shaqaynayay Tobanaan Sano U Ballan Qaaday Inay Siin Doonaan Mushaharkii Inta Uu Noolyahay !

Qoysaska Dalka Sucuudiga badankooda ayaa waxa la sheegaa inay si adag ula dhaqmaan shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka shaqeeya guryahooda shaqaaalahaasi ayaa badanaa waxay ka yimaadaan Dalalka Hindiya, Indonesia iyo Bangaladesh.

Haddaba, qoys ka mid ah qoysaska dalkaasi ayaa waxay xaflad sagootin ah u sameeyeen nin u dhashay Dalka Hindiya oo u shaqaynayay muddo 30 sano ah.

Ninkan ayaa waxa uu dib ugu laabanayey Dalkiisa hooyo maadaama oo uu gaadhay xilligii uu shaqada ka fadhiisan lahaa, arrinta aadka ula yaabka badan ee soo jiidatay warbaahinta ayaa waxay tahay in aabaha qoyskaasi uu ninkaasi u ballan qaaday inuu siin doono isla markaana bil walba u diri doono Mushaharkii uu siin jiray markii uu u shaqaynayay inta uu nool yahay.

Tallaabada uu qoyskani qaaday ayaa waxay tahay mid tilmaamaysa dhaqanka wanaagsan iyo in ummad kasta oo meel ku wada nooli aanay dhammaantood wada xumayn, balse ay ku jiraan kana mid yihiin dad wanaagsan dhaqan ahaan iyo akhlaaq ahaan ba.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply