SOMCABLE

Sucuudiga Oo Diiday Inuu Turkiga U Gacan-geliyo Laba Ka Mid Ah Dadka Loo Tuhmayo Dilka Weriye Khashoggi

Riyaad (Himilo) – Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa gaashaanka ku dhuftay codsi ay dowladda Turkigu ay Sacuudiga kaga dalbatay inay u gacan geliso laba sarkaal oo ka mid ah Ragga looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan dilka wariye Jamal Khashoggi.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Riyadh ayuu Al-Jubeir sheegay in Sacduudiga aanu muwaadiniintiisa u gacan gelin dowlado kale.

Toddobaadkii hore ayay maxkamad ku taalla Turkiga soo saartay waraaqihii lagu soo xidhi lahaa Saud al-Qahtani, oo la-taliye sare u ahaa Amiir Mohammed bin Salman, iyo madaxii sirdoonka Sacuudiga Ahmad al-Assiri.

Labadan sarkaal ayaa ka mid ahaa koox saraakiil ah oo uu boqorka Sacuudiga xilka ka xayuubiyay, taasoo loo arkay tallaabo uu Sacuudiga kaga jawaabay dilkii wariye Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul bishi October ee sannadkan 2018.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply