SOMCABLE

Soomaaliya Oo Sheegtay In Kulankii Ay Xaramka Kula Yeesheen Madaxweynaha Somaliland Uu Jawiga Wax Ka Beddelayo

“Soomaalidu War Meelahaasi Laysaga Tebiyo Iyo Shaki Iyo Tuhun Ayey Iska Bowsadaan, Laakiin Marka Aanu Madaxweynaha Iyo Weftigiisa La Kulanay…”-Wasiir Arrimaha Dibada Soomaaliya

Muqdisho, 15 August, 2019 (Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey kulanka la sheegay inuu  dalka Sucuudiga ku dhex maray Weftigii Madaxweynah Somaliland hoggaaminayey iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo.

Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA ayaa wareysi ay la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya weydiisay ujeedada kulankaa iyo waxyaalihii ay kaga wada hadleen,  waxaanu yidhi, ‘’Annaga iyo Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxaanu wada-degeneyn hal qasri, waxaanu isku aragnay oo aan ku kulanay Masjid, Aniga iyo Wasiirada kale ee ka socday dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu tegnay Salaan, isaguna si qurux badan oo Soomaalinimo ah ayuu iyo walaalo isku soo hilloobay ayuu noo soo dhaweeyey oo sharafi ku jirto oo waanu isa salaanay oo waanu is marxabeynay, kadibna meelaha ay Muslimiintu tegaan ayaanu isku arkeynay oo waanu la fadhiisanay oo waanu salaanay oo waxaanu u muujinay in aanu nahay dad walaalo ah oo isku soo hilloobay, salaantaasina Muslimiinta oo dhan ayey u dhexaysaa anaguna dad walaalo ah oo iskaga sii dhaw ayaanu aheyn, markaa salaantaasi oo keliya ayaa na dhex martay”.

Wasiir Cawad waxa kale oo uu ka hadlay Sawirka kulankaasi ku saabsan ee sida weyn baraha bulshada iyo Warbaahinta ba loogu qaadaa dhigey, “Waxaan arkayey dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan jooga oo siyaasadeynayey, siyaasad na shuqul kumaanu lahayn oo kamaanu wada hadal wax gaar ah oo la xidhiidha siyaasad, maxaa yeelay Madaxweynaha iyo Annagu ba waanu xajiyeynay”. Wasiir Cawad waxa uu intaasi ku daray sababta ay siyaasad uga wada hadli waayeen, “Annagu maanu haysan fasax aanu arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya aanu ka hadalno, balse Xajka ayaanu nimi markii aanu ku aragnay walaalkayo Madaxweynaha Somaliland waanu salaanay”.

Wasiir Cawad oo la weydiiyey kulankan salaanta ahi inuu jawiga beddeli karo maadaama oo ay hore hadalada u dhexeeyaa u taagtaagnaayeen, “Haa, wuu beddeli karaa oo runtii annagu aad ayaanu ugu faraxnay oo ismaanu aqoonin Madaxweynaha Somaliland, Soomaalidu war meelahaasi laysaga tebiyo iyo shaki iyo tuhun ayey iska bowsadaan, laakiin marka aanu Madaxweynaha iyo Weftigiisa la kulanay dad Soomaaliyeed oo aan cuqdad qabin oo sharaf leh oo qalbi fiican oo weji furan oo na soo dhaweeyey oo salaantii aanu ula tegnay si fiican u soo dhaweeyey oo nagu qaabiley ayey ahaayeen, siyaasadoodu waxay tahay ba, markaa waxaanu rejaynaynaa inay wada hadaladii bilaabmayaan oo wanaagaasi isjaceylkaasi Soomaalida ka dhexeeyo, Annagu waxaanu u cadeynay Madaxweynaha oo aanu Ummadda Soomaaliyeed na u cadeynaynaa in Xukuumadda Soomaaliya ee Farmaajo iyo guud ahaan ba dawladdaasi oo dhib la jacel Somaliland aanay jirin oo aanu jecel nahay wanaagooda iyo horumarkooda iyo nabadgelyadooda”. Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply