SOMCABLE

Soomaaliya: Mukhtaar Rooboow Oo La Xidhay Iyo Rabshado Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Baydhabo

Baydhabo (Himilo) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ee Dalka Soomaaliya, ayaa waxa Maanta ka dhacay Mudaharad Rabshado wata.

Mudaharaadka Rabshadaha wata ayaa bilaabmay ka dib, markii sida la sheegay Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Baydhabo ka qabteen isla-markaana Magaalada Muqdisho ku geeyeen diyaarad Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah Musharraxiinta Xilka Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed u taagan.

Wasaaradda Amniga ee Dawladda Soomaaliya ayaa War ka soo baxay ku sheegtay in Mukhtaar Rooboow oo hore uga mid ahaa Al-shabaab uu abaabulay Ciidamo ay sheegeen inuu doonayo inuu Shacabka ku dhibaateeyo, taasina waxay sheegtay in Dagaal uu Magaalada Baydhabo ku dhex maro Ciidammada Dawladda Federaalka iyo Dad hubaysan oo sheekha taageersan, waxaana Dagaalkaasi oo Mudaharaadka Baydhabo ka dhacay Barbar socday ka dhashay Dhimasho iyo dhaawaca, sida ay soo tebiyeen Warbaahintu.

Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay in Sheekh Mukhtaar Rooboow lagu xidhay Xarunta Dambi-baadhista ee Magaalada Muqdisho isla-markaana baadhitaan lagu samaynayo Sheekh Mukhtaar Rooboow.

Rooboow oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Al-shabaab ayaa sannadkii 2016-kii isku soo dhiibay Dawladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Cafis loo fidiyey, waxaanu Sannadkan ku dhawaaqay inuu u tartamayo Madaxweynenimada Koofur-galbeed, balse Wasaaradda Amniga ee Dawladda Soomaaliya waxay Rooboow Maanta ku eedaysay inaanu weli ka noqon Fikirkiisa hore isla-markaana uu khatar ku yahay Amniga Dalka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Dawladda Federaalku doonayso inay Rooboow ka reebtay tartanka Doorashada Madaxweyne-nimada ee Koonfur-galbeed, sidaasi darteedna ay dambi uga dhigayso inaanu ka noqon fikirkiisii hore.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply