SOMCABLE

“Soomaaliya Maxay Uga Hadli Waydey Heshiisyada Somaliland La Gashay Baanka Adduunka, Suuqa Yurub Iyo Norway, Ee Ay U Beegsanaysaa Heshiiska DP WORLD….” ?

Algeria, 7 Maarij, 2018 (Himilo)-Khabiir u dhashay Dalka Algeria oo magaciisa la yidhaahdo Raami khaliifa Al-Cali ayaa si adag uga hadlay ahmiyadda qadiyadda Somaliland u leedahay Adduunka iyo waliba waxyaalaha ay dadka iyo dawladda Somaliland u qabsoomay, isla-markaana waxa uu sheegay in heshiiska saddex geesoodka ah ee maalgashiga dekedda Berbera uu waafaqsanyahay Shuruucda Caalamiga ah isla markaana aanay dawladda Soomaaliya waxba yeeli karin.

Khabiir Raami khaliifa Al-Cali waxa uu arrimahaasi kaga hadlay dood uu ka qaybgalay oo uu Telefishanka Al Jazeera kusoo marti qaaday oo ku baxayey luuqada Carabiga, isla markaana uu Afka Soomaaliga u tarjumay Wargeyska Himilo.

Khabiirka Raami khaliifa Al-Cali ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay Dawladnimada Somaliland, waxaanu yidhi “Dawladda Somaliland waa dawlad iskeed isku maamusha oo horumar la taaban karo gaadhay, Somaliland waa dalka keliya ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay ka dhacday doorasho xor ah oo aan wax ceeb ah lahayn”.

Khabiir Raami waxa kale oo uu tilmaamay wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxyaalihii la isku af gartay “Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya ee ka bilaabmay Jabuuti waxay Madaxweyneyaasha Labada dhinac isla af garteen in Ganacsiga iyo dhammaan wixii horumar ah aanay Somaliland u daba fadhiisan Dawladda Soomaaliya”.

Sidoo kale, Khabiirku waxa uu dooddiisa ku xusay dareenka Soomaaliya ka bixisay heshiiska saddex geesoodka ah “Maxaa keenay inay dawladda Soomaaliya ka hadasho oo kaliya heshiiska ay Somaliland la gashay Shirkadda DP World, dawladda Somliland waxay gashay heshiisyo kale oo waxa ka mid ah heshiiska ay la gashay suuqyada Yurub iyo sidoo kale Bangiga Adduunka iyo Dawladda Norway, maxay Soomaaliya uga hadli weyday heshiisyadaasi oo dhan ee ay u beegsanaysaa heshiiska DP World”. Waxaanu intaasi ku daray “Heshiiska DP World iyo Somaliland waxa uu dhacay xilli uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta, muxuu uga hadli waayey ee uu u weydiin waayey sababta heshiiskaasi loo soo ogeysiin waayey?, Run ahaantii Dawladda Soomaaliya dhammaan su’aalahaasi wax jawaab ah uma hayso heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkadda DP World-na waa mid sax ah oo wafaaqsan shuruucda Caalamiga ah.”

Ugu dambayntii, Khabiir Raami khaliifa Al-Cali oo u dhashay dalka Algeria waxa uu dooddiisa ku soo gunnaanaday dareenkiisa ku aaddan qadiyadda Somaliland iyo dareenka Beesha Caalamka, “Run ahaantii Somaliland waxay aad u soo jiidatay indhaha beesha Caalamka kuwaasi oo haatan diyaar u ah inay wax la qabtaan korna u kobciyaan dhaqaalaha Somaliland, waxaana xaqiiq ah oo aanu muran ku jirin in qadiyadda Somaliland ay haatan la mid tahay Qadiyadaha Kurdiyiinta Ciraaq, Dalka Qubrus iyo Jasiiradda Siishelis, sidaasi awgeed heshiiskaasi waa heshiis sax ah oo aan wax muran ahi ku jirin mana jirto sabab ay dawladda Soomaaliya haatan ay u qaadacdo ama dood uga keento”.

Leave a Reply