SOMCABLE

Soomaaliya: Magaalada Kufsiga Iyo Dilalka Ugu Badan Ka Dhaceen Bishan Gudaheeda

Gaalkacayo, 28 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Duqa degmada Gaalkacyo ee Maamul-gobollleedka Soomaaliyeed ee Puntland Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa sheegay in tirada falalka kufsiga iyo dilka ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku dhow ee gobolka Mudug inay kordheen bilihii u dambeeyay.

Wuxuu sheegay kaliya bishan February oo keliya lagu dilay ugu yaraan Afar Qof, shan dumar ahna la kufsaday oo ay ugu dambeysay gabadh 12 jir ah oo kufsi iyo jidh-dil loo geystay u geeryootay.

“Aniga odayaasha ka mid ah maalin walba mag ayaan bixina dulmi ah, laakin  qofka waa in la waafajiya sharciga”. ayuu yidhi duqa degmada Gaalkacyo oo inta ku daray “Odayaasha iyagu waxba ma dilaan ciladda kaliya ee jirta waxaa weeye daalimku markuu wax bi’iyo in la yidhaahdo noo daaya..”

Yaasiin Cabdisamad wuxuu xaqiijiyay  inaanu raalli ka noqon doonin in Ragga kufsiga geysta la sii daayo.

Hadalka duqa degmada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xilli labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Gaalkacyo ay ka socdeen isu soo baxyo lagu dalbanayo in cadaaladda la mariyo ciddii ka dambeysay falkii arxan darrada ahaa ee lagula kacay Caasha Ilyaas oo ahayd 12 jir u geeryootay kufsi iyo jidh-dil loo geystay.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply