SOMCABLE

SOOMAALIYA: Maamul Gobolleed Mar Keliya Labo baarlamaan oo iska soo horjeedo Lagaga dhawaaqay

Jubaland, 14 August, 2019 (Himilo)-Qaar ka mid ah murrashaxiinta diiddan tallaabooyinka guddiga doorashooyinka ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay magacyada waxa ay ugu yeedheen liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubaland.

Murrashaxiinta mucaaridka ah ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin hannaanka guddiga doorashada ay ku soo xuleen xildhibaanada.

Waxay arrintani imaneysaa xilli xaley guddiga doorashooyinka Jubaland ay shaaca ka qaadeen liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay ka mid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashadaasi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply