SOMCABLE

Soomaaliya: Guddi Baarlamaan Oo Loo Kala-diray Inay Musuqumaasuq Ku Eedeeyeen W. Maaliyadda

Muqdisho, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Guddoonka golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay kala diray guddiyo dhowr ah oo ay kamid yihiin guddiga Miisaaniyadda iyo maalliyadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoonka golaha shacabka ayaa lagu sheegay inay caddaatay xadgudbyo la sheegay in lagu sameeyay xeer-hoosaadka Baarlamaanka, khilaaf na soo kala dhex-galay guddoonka iyo xubnaha guddigaasi.

Warqdan oo uu ku saxeexnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa waxaa uu ku xusan in uu go’aankan uu kala tashaday guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenka labaad.

Guddoonka ayaa sidoo kale sheegay in la qaban doono doorasho, lagu na soo dooran doona guddoon cusub.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa waxaa meesha ka saaray xoghayaha guddiga maaliyadda ee la sheegay in la kala diray, Xildhibaan Cabdillaahi Maxamad Nuur.

Xildhibaan Cabdullaahi oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in xitaa haddii guddoonka golaha ay isku raacaan ay tahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka “’Waan arkay warqadda ka soo baxday xafiiska guddoonka golaha shacabka, waxaana kuu xaqiijinaya inay tahay sharci-darro, sababta aan sidaa u leeyahay waxay tahay way caddahay, wayna qoran tahay siyaabaha uu guddi ku sameysmi karo iyo siyaabaha uu xubin kamid ah guddiga ay xubinnimadeeda ku waayi karto ama guddoonka uu guddiga ku waayi karo in uu guddon kasii ahaado, waana arrin sharci darro ah”. Waxaa sidaasi BBC u sheegay xildhibaan Cabdillaahi.

Kala dirida guddiga Maaliyadda ayaa timid, kadib markii guddiga warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in lacag malaayiin doolar ah ay lunsatay dowladda federaalka, hase-yeeshee arrintaasi ayaa waxaa ku gacan saydhay Xildhibanaada barlamaanka qaarkood, Guddoonka Baarlamaanka iyo Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in warbixintaasi ayna waxba ka jirin.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply