SOMCABLE

Soomaaliya: Ciidammada Dawladda Iyo Al-shabaab Oo Dagaalamayey 20 Saacadood, Ka Dib Weerarkii Huteelka

Muqdisho (Himilo) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ku qaadatay 20 Saacadood in ay ku soo afjaraan howlgal soo bilaabmay Xalay fiidkii, ka dib markii weerar qaraxyo ku bilaabmay ay kooxda Al-shabaab ku qaadday Huteelka Makka Al-mukarrama oo ka mid ah Huteellada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho iyo Meherado kale oo Ganacsi oo ku dhawaa.

Howlgalkan oo noqonaya kii ugu dheeraa ee ay ciidamada dowladda ku soo afjaraan weerar Al-shabaab ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho, ayaa Dawladda oo ka hadashay sheegtay in sababta uu wakhtiga intaas leeg u qaatay ay Ciidammadu u tudhayeen Dadka Shacabka oo ay sheegtay in Dagaalyahannada Al-shabaab ku gabbanayeen.

Gaar ahaan dhismaha ay dableyda gudaha u galeen ayaa lagu magacaabaa Carwo Shideeye oo qeyb ka mid ah ay ku noolaayeen qoys ka koobnaa carruur iyo dad waayeel ah, Qoyskaasi oo illaa Xalay ku dul-dagaalamayeen Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, ka dib markii qayb ka mid ah dablayda gashay Huteelka Makka Al-mukarrama ay gurigaa galeen.

Howlgalkan ayaa Maanta duhurkii waxaa ku soo biiray ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan, kuwaasoo markii ay gudaha u galeen dhismaha adeegsaday bambaanooyin iyo hub culus, taasoo mar kale xaaladda goobta ka dhigtay mid dagaal, inkasta oo Dagaalyahannada Al-shabaab ee Guriga ku jiray tiradooda lagu sheegay mid aan badnayn.

Weerarka Al-shabaab ku qaadday Huteelka Makka Al-mukarrama ayaa waxa la sheegay inay ku dhinteen Dad gaadhaya 20 Qof, inkasta oo tirada dhimashadu intaa ku badan karto, maaddaama oo la filayo inay jiraan Meydad ku hoos jira dhismayaasha burburay, dhaawacuna ka badan yahay 37 Ruux.

Dawladda Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay in la soo afjaray Weerarka Dagaalyannada Al-shabaab ka fuliyeen Huteelka Makka Al-mukarrama iyo dhismayaashii ay markii dambe galeen, balse Lama oga halka ay ku dambeeyeen xubnaha Al-shabaab ee Ciidammadu la dagaalamayeen.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply