SOMCABLE

Soomaaliya: Al-shabaab Oo Weerar Xooggan Caawa Ku Qaadday Mid Ka Mid Ah Huteellada Ugu Waaweyn Muqdisho

Muqdisho (Himilo) – Kooxda Al-shabaab ayaa Caawa fiidkii weerar xooggan ku qaadday Huteelka lagu Magacaabo Makka Al-mukarrama oo ka mid ah Huteellada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho ee ay deggan yihiin Madaxda Dawladda Soomaaliya iyo Dublimaasiyiinta Dalalka reer Galbeedku.

Weerarka ayaa ku bilaabay Qarax gaadhi oo lala beegsaday Albaabka laga galo Huteelka Makka Al-mukarrama, ka dibna waxa xigay Weerar toos ah oo la sheegay in dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab ku qaadeen gudaha Huteelka Makka Al-mukarrama.

Gaadhiga lagu Qarxiyey Albaabka Huteelka ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo Burbur xooggan oo soo gaadhay Huteelka la beegsaday iyo Meherado qaarkood ka soo horjeedaan, qaarka ku xigaan.

Maxamed Ibraahim Mocalimo oo mar Magaalada Muqdisho uga soo warrami jiray Laata Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, oo xilliga Qaraxu dhacay ku sugnaa Huteelka Makka Al-mukaramma isla-markaana ka badbaaday Qaraxaasi, ayaa sheegay inuu arkay Meydadka Dad uu tiradooda ku qiyaasay illaa 15 Ruux, kuwaasi oo u badnaa Dadkii marayey Jidka hor-mara Huteelka la Qarxiyey.

Weriyaha oo Qaraxa ka dib qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuu sheegay inuu arkay Baabuur badan oo gubanaysa iyo Dhismayaal tiro badan oo burbur xooggan soo gaadhay  “Markaan imid laamiga Makka Al-mukarrama (Hor-mara) waxaan soo dhexmaray Meydad, gawaadhi gubaneysa ,dad caawinaad u qeylinaya oo aan waxba u tari karayn…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Meydadka aan Anigu bannaanka (Huteelka) ku  arkay 15 baan ku qiyaasayaa oo u badnaa dad wadada marayey..”

Idaacadda Andulus ee ku hadasha Afka Al-shabaab oo soo xiganaysa Sarkaal ay sheegtay inuu Kooxdaa ka mid yahay, ayaa sheegtay in Dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka qaaday ay la wareegeen Huteelka Makka Al-mukarrama isla-markaana Gudaha Huteelka ka bilaabeen inay mid mid u toogtaan Dadkii Huteelkii ku sugnaa oo idaacadda kooxdu ku sheegtay inay yihiin Saraakiisha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee halkaa degganaa.

Waxa kale oo Warbaahinta Al-shabaab iyo Mareegaha Internet-ka ee laga leeyahay Soomaaliya ay sheegayaan in dhowr Saacadood weerarka, agagaarka Huteelka laga maqlayo Rasaas teel-teel ah, taasi oo loo malaynayo inay isku ridayaan Kooxda Huteelka Weerartay iyo Ciidammada Dawladda Soomaaliya oo weerarka ka dib, halkaa gaadhay.

Hotelka Makka Al-Mukarama ayaa ka mid ah Hoteellada ugu waaweyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana deggan xildhibaano, saraakiil dowladeed iyo diblumaasiyiinta Reer galbeedka.

Al-sabaab ayaa sannadkii 2015-tii, sidan oo kale weerar ugu qaadday Huteelka Makka Al-mukarrama, waxaana weerarkaa ku dhintay dad ay ku jiraan Xildhibaanno iyo Saraakiil Ciidan oo degganaa Huteelkaasi.

La soco Wixii ka soo kordha

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply