SOMCABLE

SOOL: Hay’adda Shaqaalaha Oo Imtixaan Ka Qaadday Boqollaal Dhallinyaro Ah Oo U Tartamaya 50 Boos

Laascaanood (Himilo) – Ku dhawaad 200 oo ka mid ah Ardayda dhamaysatay jaamacadaha ayaa imtixaan lagu xulanayo 50 ka mid ah oo shaqaale ka noqon doono wasaaradaha iyo waaxyaha kale ee Dawladda Somaliland u fadhiistay Magaalada Laascaanood.

Imtixaankan oo ay qaadayso hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa looga gol-leeyahay sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa ardayda ka soo baxday Jaamacadaha, kuwaas oo ka hawlgeli doona Gobolka Sool sida uu sheegay Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland.

“Imtixaankan waa mid ku xidhan qalinkiina iyo Qadarta kii loo qoray waxaanse idiin sheegayaa in caddaalad aan ku qiimayno, mid idinka mid ah oo aan garanayaa ma jiro..” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Sharmaarke Geelle oo hadal u jeediyey dhallinyaradii Imtixaanka u fadhiistay.

Dadka imtixaanka gelay oo 50-ka ugu sareeya ay shaqaale rasmi ah noqonayaan ayaa 15 ka mid ah loo qoondeeyey in ay noqdaan hablo halka inta kalena ay noqon doonaan Rag.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa sidan oo kale Imtixaan ugu soo qaadday Magaalada Ceerigaabo, waxaana Imtixaankaasi oo 50 boos loogu tartamayey u fadhiistay 380 Xubnood, kuwaasi oo Shaqaale rasmi ah loogu qaatay 50-kii Qof ee ugu sarreeyay.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply