SOMCABLE

SOOL: Ciidamo Madaarka Laascaanood Kula Wareegay QAAD, Ganacsatadii Lahaa Diideen Inay Ku Cashuurtaan Shillinka Somaliland

Laascaanood, 18 September, 2017-(Himilo) – Ciidammada Milletariga ee ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa Shalay la wareegay Qaadka Miirooga oo Diyaaradi si maalin leh uga soo waariddo Dalka Kenya.

Ciidammada Milletariga oo kaashanaya kuwa Booliiska, ayaa la wareegay Guud ahaan Qaadkii Diyaaraddu ka keentay Dalka Kenya, iyagoo sida la sheegay fulinaya Amar ka soo baxay Dawladda, kaasi oo yimid markii sida la sheegay Ganacsatada Qaadku diideen inay Qaadkooda ku cashuurtaan Shilinka Somaliland isla-markaana ka hor-yimaaddeen Cashuur lagu kordhiyey Qaadka.

Laakiin, Waan-waan ay ka qayb-galeen Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Laascaanood ka dib, ayaa Ciidammadu ay Qaadkii ku wareejiyeen Dadkii lahaa.

Tallaabada Ciidammada Ammaanku muddada kooban kula wareegeen Qaadka Miirooga oo uu Dalka Kenya Diyaarad kaga soo waarido Ganacsade lagu Magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Carraale (Jabuutaawi), ayaa waxa ka gadooday Dadweyne u badan Dumarka Qaadka sii Tafaariiqeeya iyo Dad kale oo kooban.

Maamulka Gobolka Sool, Saraakiisha Ciidammada Amniga iyo Dawladda dhexe midna kama hadal Tallaabadan ay Ciidammadu muddada kooban Shalay kula wareegeen Qaadka, laakiin mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka ee Magaalada Laascaanood oo  u warramay Warbaahinta Magaaladaa ka hawl-gasha, ayaa sheegay in aanay diidanayn inay bixiyaan Cashuurta la sheegay in lagu kordhiyey Qaadkooda, laakiin ay diiddan yihiin inay Cashuurta ku bixiyaan Shilinka Somaliland oo aan si buuxda uga shaqeynin Magaaladaasi,waxaanu yidhi “Waxa la yidhi Cashuurtii hore ee Qaadka waa la idinku kordhiyey, haba la kordhiyee Lacagta Shilin Somaliland-ka ee aanu Cashuurta ku bixinayno halkee-baanu ka keenaynaa.? Qaadkii aanu Magaalada keenay waxa la nagaga iibsaday Lacag Cadcad (oo Shilin Soomaali ah), taasina Cashuur ma noqonayso oo waalla joojiyey, markaa Annaga ayaaba Cashuurta bixinaynee Lacagta aanu hayno hala nagaga qaado, Waayo? Lacagtan la naga doonayaa waxay noo soo jirtaa Oog (Oog ayaa isticmaalkeedu ku eg-yahay).”

Cashuurta la sheegay in lagu kordhiyey Qaadka Miirooga ee la geeyo Laascaanood oo aan illaa hadda la ogeyn Cadadka ay tahay, ayaa ku soo beegmaysa Afar Maalmood ka dib, markii uu Somaliland ka joogsaday Qaadkii uga iman jiray Dalka Itoobiya, ka dib markii Colaad dhinaca Dhulka ah oo u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayay sababtay in Oromo Gaddoodsani Magaalada Hawaday ku laayaan Dad Soomaali ah oo dhalasho ahaan u badnaa Reer Somaliland, sidoo kalena ay soo baxday in Oromada oo dagaal Ujeeddooyin badan leh kula jirta Dawladda Federaalka Itoobiya ay sumeeyeen Qaadkii Ganacsi ahaan ay u keeni jiraan deegaannada Soomaalida, sida Somaliland iyo Jabuuti.