SOMCABLE

SONYO: Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Fursadaha Iyo Caqabadaha Shaqo-Carbineed Ee Ka Jira Somaliland

Hargeysa, 28 Apr, 2019 (Himilo)-Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa Dood Cilmiyeed ku saabsan Fursadaha iyo caqabadaha shaqo-carbineed ee ka jira Somaliland ku qabatay caasimada Hargeysa.

Kulanka dood cilmiyeedkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Madax iyo Masuuliyiin ka kala socotay Ururada aan dawliga aheyn, iyo Jaamicadaha Dalka, iyo Dhallinyaro tiro badan iyo waliba marti sharaf kale.

Ugu horreyna, Agaasimaha dallada dhallinyarada ee Sonyo Mudane Cumar Cismaan Miigane, ayaa ka warramay ujeedada iyo ahmiyadda uu kulankani u leeyahay dhallinyarada iyo guud ahaan ba dalka waxaanu yidhi, “Runtii, kulankan oo lagaga hadlayey fursadaha iyo caqabadaha jira ee layliga ama shaqo carbinta dalka, waxa uu kulan muhiim ah oo intan ku koobnaan maayo oo wuxuu noqon doonaa kulano googoos ah oo runtii jaamicadaha dhexdooda la keeno oo ardaydu aad iyo aad uga hadlaan”.

Sidoo kalena, dhallinyaro door ah oo kulankan ka soo qaybgalay ayaa dhammaantood muujiyey inay muhiim tahay in laga hadlo sidii dhallinyaradu shaqo u heli lahaayeen iyo waliba dhibaatooyinka hor yaalla ba.

Dhinaca kalena, Madaxda iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday ururada Solja, Sonsaf, iyo Jaamicadaha dalka, ayaa iyaguna tilmaamay inay muhiim tahay in dhallinyarada loo carbiyo sidii ay u shaqo tegi lahaayeen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply