SOMCABLE

Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay Inuu Masuuliyiin Aan Siyaasadda Loo Ogolayn U Fasaxay Inay Shirkii Kulmiye Ka Qayb-galaan

Hargeysa, 28 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ee Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay masuuliyiin aanu sharcigu ogolayn inay ka qaybgalaan shirarka xisbiyada, kuwaasi oo ka soo dhex muuqday Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ugu soo gebogaboobay Magaalada Boorama.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku eedeeyey xisbiga KULMIYE in uu bah-dilay hay’adihii dawladda oo dhamaantood ka wada qaybgaleen shirkii golaha dhexe ee KULMIYE, taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan nidaamka dawladnimo.

Sidoo kale, waxa ay ku dhaliileen inuu  Madaxweynuhu dadka uga sheekeeyo wixii dhexmaray Ra’isal wasaaraha itoobiya iyo isaga, taas oo ay ku tilmaameen in aanay ahayn Af-dublamaasiyadeed.  

Afhayeenka xisbiga WADANI Barkhad Jaamac Xirsi ayaa soo bandhigay masuuliyiin sharcigu ka mamnuucay inay shirarka xisbiyada ka qayb-galaan oo shirkii KULMIYE joogay, waxaanu farta ku fiiqay Taliyaha guud ee Booliska, ku xigeenka xeer ilaalinta, xisaabiyaha guud ee Qaranka, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha bulshada iyo shaqada, guddoomiyaha hay’adaha qaxootiga iyo Hanti-dhawrka guud ee Qaranka oo uu sheegay inay mamnuuc tahay inay ka qaybgalaan shirarka xisbiyada.

“Madaxweynuhu wuxuu hore ula shiray Agaasimeyaasha guud waxaanu ku yidhi kama qaybgali kartaan arrmaha siyaasadda, nasiib-darro waxa shirkaasi ka qaybgalay Agaasimeyaal oo hor fadhiyey Madaxweynuhu iyamuu khaldan yahay iyamuu saxsan yahay, Hay’adaha dawladda haddii uu kulmiye sidaas u bah-dilayo waxa iman doonna saadaashadeeda lama garan karo, Idaacaddii Radio Hargeysa ee hantida qaranka ahayd ayaa si toos ah looga sii daynayaa shirkii kulmiye”ayuu yidhi Barkhad Batuun.

Dhinaca kale, Xisbiga UCID ayaa isaguna shakhsiyaad masuuliyiin Qaran ah oo ka qaybgalay shirkii KULMIYE ku tilmaamay inay tahay sharci jabin “Madaxweyne Biixi inta uu dalka haystay maalin walba talaabo ayuu shacabka ku eegayey, tii u dambaysay shalay buu qaatay oo hay’addii aan loo ogolayn in aanay siyaasadda ku milmin lagu arkay iyagoo xisbigi dhex fadhiya oo astaantii calanka kulmiye madaxa iskaga duubay, raggaasi waxa ka mid ah Hanti-dhawrihii Qaranka, waxa iyaguna jooga xubno ah xeer ilaalinta oo sharcigu ogolayn, xisaabiyihii guud ayaa isna goobta jooga, guddoomiyihii Bankiga dhexe, iyo Agaasimeyaal kale, taasna waxay ina tusaysaa inuu sharcigii meesha ka baxay oo dastuurkii lagu tuntay”ayuu yidh, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,  Yuusuf Kayse Cabdillaahi.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply