SOMCABLE

Somaliland: Wasiirka Hawlaha Guud Oo Fagaare Ku Soo Bandhigay Qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ee Ku Aadan Buuhoodle

Buuhoodle, 11 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Ducaale Qambi, ayaa Shalay safar ku tagay Magaalada Buuhoodle, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Dadweyne tiro badan.

Wasiirka Hawlaha guud ayaa ka hor intii aanu gaadhin Magaalada Buuhoodle wuxuu sii maray Degmada Qori-lugud oo ka mid ah Gobolka Buuhuudle, waxaanu meel fagaare ah kala hadlay Dadweynaha Deegaankaasi, waxaanu ku waaniyey inay ilaaliyaan Nabadgalyada iyo Wada-jirkooda, maaddaama oo Nabaddu tahay furaha horumarka.

markaasi ka dib, ayaa Wasiirka Hawlaha guud iyo Weftigiisa waxa lagu soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle, waxaanu Wasiirku khudbad Dadweynaha uga jeediyey Fagaare ku yaalla halkaasi.

Wasiirka Hawlaha guud wuxuu reer Buuhoodle u sheegay inaanu taageerayn Cid ka soo horjeedda Nabadgalyadooda, waxaanu yidhi “Buuhoodle u soo raaci mayno Cid Colaaddeeda ka shaqaynaysa, Cid aan Nabad ku wax ku doonayn, Cid aan wanaag iyo horumar ka shaqaynayn, Cid aan Dalka iyo Dadka horumarkiisa ka shaqaynayn in aanaan Taageeri u ahayn ayaan idiin ballan-qaadayaa.”

Wasiir Qambi waxa kale oo uu reer Buuhoodle u sheegay Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ku aaddan Buuhoodle “Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Madaxda ka yahay xaqiiqdeeda haddaan idiin sheego, waa sidii ay Buuhoodle nabaddeeda uga shaqayn lahayd, wanaag kaga shaqayso, horumar kaga shaqayso, oo Dadka sidii loo kasban lahaa uga shaqayso, ayaa arrinkeeda koowaad, ka labaad, ka saddexaad, ka afraad iyo ka shanaadba yahay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu reer Buuhoodle u soo jeediyey inay Nabad kula noolaadaan Dadka ay deriska yihiin “reer Buuhoodle waxaan u sheegayaa Dad deriskooda ah oo ay Nabad-darro dhex taallo inaanu meeshaa khayr oolin, markaa waxaan reer Buuhoodle ka codsanayaa sidii aan reer Qorilugud ula hadlay in nabadda laga wada shaqeeyo, in Islaamnimadu sidaa tahay, in Dadnimadu sidaa tahay, in damiirku sidaa yahay.”

Leave a Reply