SOMCABLE

Somaliland Oo Soo Bandhigtay Gaadiid Ay Qabsatay Ciidammada Puntland Oo Jid-gooyn Ka Samaystay Jiidda Hore Ee Sool

Sool, 6 Maarij, 2019 (Himilo) – Ciidammada Qaranka Somaliland ee Jiidda hore ee Gobolka Sool, ayaa soo bandhigay Gaadhi ay ka qabsadeen Maleeshiyaadka Maamul-gobolleedka Puntland oo habeen dagaal ku dhex maray duleedka Gambadha.

Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga Bari, Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen, Badhasaabka Gobolka Sool iyo Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka JSL, ayaa  sheegay in Maleeshiyaadka Puntland ay jid-gooyo ka galeen inta u dhaxaysa Tuke-raq iyo Laascaanood, laakiin ay Ciidammada Qaranka oo ka war helay ay dhirbaaxo ku dhufteen isla-markaana ka furteen Hal Gaadhi, mid kalena isagoo baa’ba ah ay kaga tageen meel ka fogayn halkii Dagaalku ka dhacay.

Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga Barri, Cali Barre Xuseen oo sharraxaya sida ay wax u dhaceen ayaa yidhi  “Puntland waxay ku soo xad-gudbeen Jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Tuke-raq, iyagoo doonayey inay jid-gooyo u galaan Dadka Jidkaa ku safraya, si ay halkaa ugu dhibaateeyaan Dadka Waddada maraya, ka dib waanu ka war helnay habeen hore oo bishu ahayd 4 in Jidka ay ku jiraan laba Baabuur, illaa subixii waanu xaqiijinayey, ka dibna waxaanu u dirnay Cutubyo Ciidanka Qaranka ka mid ah, isla markiina way is heleen oo Rasaas ayay is waydaarsadeen, waxaana laga qabsaday Gaadhi, gaadhigii kale waxa la sheegay in Dadka degaanku ay ka jiideen meesha la yidhaahdo Qudhac-dheere isagoo Rasaasi goo’goysay, dhaawacoodiina illaa Shalay ayaa dhulkaa laga gurayey.”

Taliyuhu wuxuu u jawaabay Masuuliyiin reer Puntland oo Warbaahinta ka sheegay inay khasaare gaadhsiiyeen Ciidammada Qaranka “Waxaan arkayey Qolo Puntland ah oo leh waxbaanu dhaawacnay iyo waxbaanu dillay, waxaan leeyahay hadday wax dileen Hantidooda kamay cararreen, dhaawacoodana kamay cararreen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu moodaynay in Xukuumaddii hore ee Puntland ee tagtay inay Xukuumaddan cusubi Caqli dhaanto ama la imanayaan wax ka duwan wixii hore, laakiin iyadiina waxay bilowday Weerarro iyo Jidgooyn.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply