SOMCABLE

Somaliland Oo Si Rasmi Ah Uga Qayb Gashay Shir Caalami Ah Oo Ay Isugu Yimaadeen 53 Dal Oo Adduunka Ka Mid Ah

“Waxaanu Fursad U Helnay In Aanu Qadiyada Somaliland Miis Korkiisa Ku Gaadhsiino…”-Golaha Wakiillada JSL

Hargeysa, 01 Oct, 2019 (Himilo)-Wefti ka socda Dawladda Somaliland oo si rasmi ah uga qayb galay shir caalami ah oo lagu dalka Yugandha oo ay isugu yimaadeen 53dal oo dunida ka mid ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada JSL Mudane Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle oo hoggaaminayey Weftiga Somaliland ee shirkaasi ka qayb galay ayaa ka warramay heerkii iyo qiimihii shirkaasi lahaa iyo ahmiyadda uu Somaliland u leeyahay.

Ugu horreyna, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada JSL Mudane Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle, waxa uu tilmaamay sidii ay ugu suurto gashay ka qayb galka shirkaasi iyo doorkii ay ku lahaayeen ba waxaanu yidhi, “Dalka Yugandha magaaladiisa Kambala waxaanu kaga qayb galnay shirkii ururka Baarlamaanada dalalka Barwaaqo sooranka ku midoobay oo tiradoodu aheyd 53dal, markaa waxaanu martiqaad rasmi ah ka helnay afhayeenka Baarlamaanka dalka Yugandha oo noogu soo martiqaaday maqaam goob joognimo in aanu Somaliland ahaan kaga qayb galno”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey waxyaalihii ay shirkaasi kala kulmeen, “Runtii, waxaanu kala kulanay fursad aad iyo aad u weyn oo waxaanu ka helnay madal ay joogaan saddex dalool oo dalool in ku dhaw dadkii dunida ku noolaa metalayey ay ku shirayaan oo waxaanu ka helnay maamuus la mid ka la siiyey dalalka ururka Barwaaqo sooranka xubnaha ka ah, markaa Somaliland waxay la mid ahey oo xuquuqda kale oo dhan kala sineyd wufuudii kale ee dunida ka socotay marka laga reebo in aanu goob jooguhu cod laheyn oo keliya”. Ayaanle waxa kale oo uu tilmaamay faa’iidada ay Somaliland iyo Golaha wakiillada ba uu shirkaasi u lahaa, “Somaliland waxay u soo kordhisay in ay u furtay albaabo waaweyn, waxaanay aheyd fursad aad u qaalli ah waayo awoodeena dhaqaale ma saamaxeyso in aad socdaal ku wada marto saddex iyo konton dal oo adduunka ka mid ah oo aad qadiyadaada u soo sheegto, markaa waxaanu fursad u helnay in aanu qadiyada Somaliland miis korkiisa ku gaadhsiino Qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada JSL

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply