SOMCABLE

Somaliland Oo Puntland Ugu Baaqday Inay Dhulkooda Ka Saaraan Jabhadda Kornayl Caarre & Ciidammada Qaranka Oo Dhaqdhaqaaq Ka Bilaabay Xuduudka Maamulkaa

Ciidammada Qaranka Ee Bariga Sanaag Oo La Xoojiyey, Puntland Oo Ka Cabatay Hawl-gallo Xooggan Oo Ciidammadu Halkaa Ka Wadaan + Wararkii U Dambeeyay

Yubbe, 13 Maarij, 2019 (Himilo) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilaabay degaannada bariga Gobolka Sanaag, ka dib markii Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland ay rabshado amni-darro ka sameeyeen degaanno ka mid ah bariga Gobolka Sanaag.

Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degaanka Yubbe isla-markaana isha ku haya dhaqdhaqaaqa ay wadaan Maleeshiyaadka Kornayl Caarre, ayaa  Dawladdu ku samaysay xoojin, waxayna dhaqdhaqaaq ka bilaabeen degaannada bariga Gobolka Sanaag, si ay Tallaabo uga qaadaan Maleeshiyaadkaasi oo uu hoggaamiyo Kornayl Caarre, oo hawl-gallo ay amni-darro ku abuuraan ka soo qorsheeya degmada Qardho ee Maamul-gobolleedka Puntland oo ay fadhiisin ku leeyihiin.

Dhaqdhaqaaqa Ciidammada Qaranku ka bilaabeen degaannada bariga Sanaag oo shaki-geliyey Maamul-gobolleedka Puntland oo sheegta Mulkiyadda dhuleed ee Bariga Sanaag, waxaanu Maamulkaasi uu Somaliland ku eedeeyay inay faro-gelinayso Puntland.

Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan Maamulkiisu u dul-qaadan doonin faro-gelin uu sheegay in Somaliland ku hayso degaannada bariga Sanaag isla-markaana ay jawaab ka bixin doonaan.

Balse, Dawladda Somaliland oo ka jawaabtay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in Ciidammada Qaranku aanay dan ka lahayn Maamulka Puntland, laakiin ay qorshaysay inay soo afjarto dhibaatooyinka amno-darro ee Maleeshiyaadka Kornayl Caarre ka sameeyaan Gudaha Somaliland, waxayna Dawladda Somaliland ugu baaqday Puntland inay dhulkeeda ka soo saarto Maleeshiyaadka uu Hoggaamiyo Kornayl Caarre, haddii kale Ciidammada Qaranku ay Maleeshiyaadkaa ugu tagi doonaan degmada Qardho ee gudaha Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Ciise-Xawar oo ka jawaabayey hadalka Madaxweynaha Punland ku sheegay in Somailand faro-gein ku hayso dhulka Maamulkiisa ayaa yidhi “Ciidammo Somaliland xukunto oo fad-qalalo ka sameeyay xuduudaha Puntland ma jiraan, markaa Madaxweyne Deni (Madaxweynaha Puntland) isagaa caddaynaya halkuu warkaasi ka soo baxay, laakiin waxaan u malaynayaa inuu ka hadlayo Gobolka Badhan ee Somaliland iyo Gobolka Sanaag oo Ciidamo naga joogaan, xoojina aanu ku samaynay, taasna waxa keenay (inaanu xoojino Ciidammada Somaliland ee Sanaag jooga), maaha in Madaxweyne Deni uu noqdo ‘Hasha Geela cunta ee haddana Cabaadda’, waxaad ogtihiin Puntland inay Maleeshiyaad fidmo-wadeyaal ah oo isku urursanayey degaanka Qardho ee Gobolka Karkaar, kuwaasi oo dhib iyo rashad ka watay degaanka Sanaag ama Sanaag-bari muddadii la soo dhaafay, waxa xaqiiq ah in degaankaasi ahaa degaanka Somaliland ugu nabdoon, wax carqalad ah ama rabshad ah oo degaankaa ka dhacayna ma jirin intii Somaliland jirtay, laakiin fidmo waxa ugu horreeyay nimankaa ay Puntland Magangalyada ka siisay deegaannadooda, khaasatan Qardho ee Gobolka Karkaar, markaa Somaliland meel Alla meeshii degaankeeda laga soo hujuumo inay jawaab waafi ah ka bixiso oo ay dhibaatadaa soo afjarto, waajib Dastuuriya ayay ku tahay.”

Wasiirka Gaashaandhigga oo la waydiiyey in la xoojiyey Ciidammadii Qaranka halkaa hore fadhiisinka ugu lahaa iyo inay faro-gelin ku sameeyeen Xuduudka Puntland, ayaa ku jawaabay  “Yubbe waa degmo Gobolka Sanaag ka mid ah, waxaana ka sii shisheeya degmada badhan oo Somaliland ah, xuduudka Somaliland iyo Soomaaliyana meesha uu yahay waad garanaysaan, markaa taasi wax shaki ama muran ku jiro maaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sharraxay sababta Ciidammada Qaranka geysay Xuduudka Puntland  “Waxa geeyay Ciidammadu sabab-bay leedahay, Ninkaa Caarre la yidhaahdo wuxuu yimid degaannada Yubbe, wuxuu yimid degaanka Baraagaha-Qol iyo degaanno badan oo dhulkaa ka tirsan, markii dambana Ciidammada ayaa baacsaday oo wuu ka cararray, Ninkaasi wuxuu ka soo duulay Magaalada Qardho, markaa Madaxweynaha Puntland waxaan u sheegayaa Somaliland u dul-qaadan mayso, waxaan u sheegaynaa Madaxweynaha Puntland waxa ballan ah Somaliland meesha dhib kaga soo baxdo ama Qardho ha ahaato ama isku-shuban ha ahaato ama Xaafuun ha ahaatee, meeshii Cadow kaga soo duulo Somaliland ee xasilloonideeda iyo amnigeeda carqaladaynaya Somaliland jawaab waafi ayay ka bixinaysaa, Ciidammada Qarankuna heegan bay u yihiin oo waa u diyaar..”

Wasiirka Gaashaandhiggu wuxuu Madaxweynaha Puntland u soo jeediyey inuu dhulkiisa ka saaro Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad ku urursaday degmada Qardho ee Puntland “Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni waxaanu u sheegaynaa inaanu diyaar ula nahay wada noolaansho, Nabadgalyo, Xuduudaha oo isku furma, Labada Shacab oo is dhex-gala, dhaqaalaha oo isku furma, laakiin Caqli-gal maaha in Maleeshiyaad ku soo duula Somaliland uu Qardho ku koriyo, isagoo og dhibaatada ay ka geysanayaan degaannada Xasiloon ee Somaliland, markaa Caawa ha iska soo saaro Maleeshiyaadkaas, waxaanu ugu beddelaynaa Walaalnimo, nabadgalyo, xidhiidh wanaagsan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhaqdhaqaaqa Ciidammada Qaranku ka wadaan Bariga Gobolka Sanaag uu ku waajahan yahay Maleeshiyaadka Kornayl Caarre ee fadhiisinka ku leh gudaha Puntland “Waa Jabhadda Caarre Cidda uu hujuunkayaga ugu weyni ku waajahan yahay oo degaankaa Fidmo iyo carqalad ku haysa, inaanu soo afjarnana way naga go’an tahay. Meel kasta oo ay Fidmo nagaga soo abaabulayaan waanu ugu tagaynaa, hadday Qardho noqoto iyo hadday meel kale noqotaba, inta jabhaddaasi jirtana waa Waajib Qaran inaanu soo afjarno, wayna imanaysaa…”ayuu yidhi, Wasiirka oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho, kaasi oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply