SOMCABLE

Somaliland Oo Ku Gacan Seydhay Shir Caalami Ah Oo Ay Kaga Qayb Geli Laheyd Dalka Turkiga & Sababta Ku Keliftay 

“Ummadda Somaliland Waxaanu Halkan Uga Cadeynaynaa In Shirkii Aanu Dibada Ka Joogno Oo Aanaan Ka Qayb Gelin Oo Aanaan Ka Mid Aheyn Oo Dantii Aanu…”-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga

Ankara, 01 Oct, 2019 (Himilo)-Wefti ka socday dalka JSL ayaa si rasmi ah uga baxay oo aan ka qayb gelin shir ay dhawaan ugu ambabaxeen dalka Turkiga, shirkaasi oo hore si rasmi ah loogu marti qaaday.

Haddaba, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Jamaal Ceydiid Ibraahim, ayaa warbaahinta uga warramay ujeedada shirkaasi iyo sidii loogu marti qaaday iyo waxyaalihii ay kala kulmeen waxaanu yidhi, “Casuumad ayaanu ka helnay Hay’ado ka mid ah kuwa degan dalka Turkiga oo qaarkood Turki yihiin, qaarkoodna asal ahaan ay dad Soomaali iyo Turki ahi wada leeyihiin, waxaana casuumadaasi wada saxeexay ilaa toddoba hay’adood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka Turkiga, iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Maayirka Magaalada Ankara, waxaana martiqaadkaasi iyo dhukumantigii shirka waxa ku qornaa oo lanagu soo war geliyey in 43dal  oo Afrikaan ahi ay meesha isugu immanayaan oo Niman Maalgeshadayaal ah oo Turki ahina ay qabanqaabada Shirka leeyihiin, arrinkaasi ayaanu u soo diyaar garownay annaga oo is leh dhinacyo badan oo ganacsiga khuseeya iyadoo mashaariicda maalgashiga ay dalkeena wax badani ka diyaar yihiin iyo Nabadgelyada dalka ka jirta iyo ganacsiga ka socda dekeda Berbera oo aad u kordhaya iyo iibka dalka Turkiga ee Afrika oo aanu u badanahay, markaa waxaanu la nimid qodobo badan oo aanu isleenahay wax baad ku soo jiidanaysaan, balse markii aanu nimid dalka Turkiga waxaanu ugu nimid shirkii oo weji kale yeeshay”. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Shirkaasi waxaanu ugu nimid Madax Soomaaliyeed, Wasiiro shirkii jooga iyadoo markii hore ballankayagu uu ahaa in aanu shirkaasi aheyn shir siyaasi ah, haddii uu shir siyaasi ah yahayna annaga siyaasada cid ayaa noo qaabilsan oo dawlad ayaanu u leenahay, markaa waanu ka wada tashanay Wasiirka Ganacsiga oo nagu soo bogaadiyey oo na soo ambabixiyey, markaa haddii ay Madaxweynayaal iyo Wasiiro immanayaan annaguna kuwayagii ayaanu war gelin laheyn oo nagala soo qayb geli lahaa”.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu waxa uu sheegay go’aankii ay ka  qaateen shirkaasi, “Markii aanu aragnay in shirkii uu ka beddelmay wejigii Ganacsiga ee uu lahaa ee uu yeeshay Weji siyaasadeed waxaanu ummadda Somaliland aanu halkan uga cadeynaynaa in aanu shirkii dibada ka joogno oo aanaan ka qayb gelin oo aanaan ka mid aheyn oo dantii Ganacsi iyo Siyaasadeed ee aanu meesha u nimid midna aanay ku jirin”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply