SOMCABLE

Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Daan-daansi Ah Oo Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Hargeysa (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md. Ciise Xawar oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa sheegay haddii uu ka hadlayo Xuduudka Somaliland oo uu Qabiil ahaan ku sheeganayo Dhulka Somaliland ay beeshiisu degto Kenya iyo meelo kale oo aan ahayn Xuduudka Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka oo Maanta u warramay Telefiishanka BBC-da ayaa sheegay in aanay Somaliland u dul-qaadanayn haddii Madaxweynaha cusub ee Puntland uu daan-daansado Somaliland.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply