SOMCABLE

Somaliland: Hanti-dhowrka Guud Ee Qaranka Oo Markii U Horreysay Dad U Xidhay Musuqmaasuq & Tirada Liisamo Gaadiid Oo La Qabtay

Xaggay Ku dambaysay Baadhistii lagu sameeyey Dowladda Hoose ee Hargeysa?

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo)- Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Somaliland, Axmed Yuusuf Dirir ayaa faahfaahin bixiyey natiijooyin ka soo baxay baadhitaanno ay ku sameeyeen hay’adaha dowladda guud ahaan ee Gobollada dalka.

Axmed Yuusuf Dirir oo shalay xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta, waxa uu sheegay inay jiraan shakhsiyaad loo hayo iyo qaar loo xukumay falal musuq-maasuq oo ay gaysteen, kuwaas oo laga soo qabtay magaalooyinka Borama, Gabiley iyo Hargeysa.

Waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad la xidhiidhinayo ka hawl-gala shirkad gaar loo leeyahay oo u xil-saaran iyo Liisamada baabuurta oo been-abuur ah, kuwaas oo tiradoodu ka badan tahay ilaa 2 kun oo xabbo.

“Hanti-dhowrku waxa uu sameeyey baadhisyo kala duwan, baadhisahaas wixii ka soo baxay waxa u badnaa in dadka ka mid ah dadkii baadhista lagu hayey dambi lagu helay, qaar u baahday maamul toosin. Gobolka Awdal ilaa saddex qof ayaa dambi lagu helay oo aanu xeer ilaalinta u gudbinnay. Gobolka Maroodi-jeex waxa dambi lagu helay shirkaddii gacanta ku haysay liisamada, waxaanu gacanta ku soo dhignay ilaa Laba Kun saddex boqol iyo Lixdan liisan, laba qof ayaa gacanta lagu hayaa oo garsoorka ayay horyaallaan,” Sidaas ayuu yidhi Hanti-dhowrku, waxaanu intaas raaciyey, “Gobolka Gabiley waxa jira dad lagu helay dambi musuq-maasuq aanu xeer ilaalinta u gudbinnay oo xukun ku dhacay.”

Hanti-dhowruhu waxa kale oo uu sheegay “Xafiiska hanti-dhowrku marka uu dambi helo, si qofka la eedaynayaa uu caddaalad u helo, waa in la gaadhsiiyo xeer-ilaalinta oo qofkuna is-difaaci karo, marka halkaa la gaadhana xafiiska Hanti-dhowrku wuxuu ka yahay markhaati uun…” ayuu yidhi

Haseyeeshee, natiijada baadhisaha soo baxay ee Hanti-dhowruhu shaaciyey kuma jiraan hay’adaha kala ah Dowladda Hoose ee Hargeysa, Madaarka Diyaaraha ee Cigaal iyo hay’ado kale oo dhawaan Hanti-dhowrku ka bilaabay baadhis la xidhiidha tuhunno musuq-maasuq oo lala xidhiidhiyey, iyadoo maalmihii u dambeeyey bulshadu u hanqal-taagaysay natiijooyinka ka soo baxay baadhisahaas.

Balse waxa uu Md Axmed Yuusuf Dirir ku dooday inay muddo dheer qaadato baadhista lagu sameeyo hay’adaha dowladda isla-markaana hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh la mariyo, kuwa xilligan la soo saarayna yihiin qaar baadhistooda iyo arrimahooda sharciba muddo dheer soo socdeen.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku waxa kale oo uu sheegay inay dhawaan soo bandhigayaan natiijada baadhis ay ku sameeyeen Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo hay’ado kale oo dowladda ka tirsan “Waa hay’ado aad u waaweyn, shaqadii gacanta ayaa lagu hayaa wixii ka soo baxana bulshada waan la wadaagi doonaa,” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Dirir oo la weydiiyey halka ay ku dambeeyeen baadhis kala duwan oo xafiiskiisu ku sameeyey hay’ado ka tirsan dowladda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply