SOMCABLE

Somaliland: Doorashadii Wakiillada & Goleyaasha Deegaanka Oo Dib U Dhacay Xilli Aan Komiishanka Qaranku Cayimin

Hargeysa, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Shalay ku dhawaaqay inaan xilligii loo qorsheeyay ku qabsoomayn Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka Somaliland, taasi oo Qorshuhu ahaa inay qabsoonto 29-ka bisha March, 2019-ka.

Shir-jaraa’id oo Guddiga Doorashooyinka Qaranku Shalay ku qabteen Xaruntooda Hargeysa, ayaa Guddoomiyaha Guddigaasi Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame wuxuu ku faahfaahiyey sababaha aanay u qabsoomayn Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada oo mar la wada qabanayey, waxaanu yidhi  “Markii Komiishanka Qaranka JSL diyaariyey dhammaan Qorshe-hawleedyadii u yaallay ama hor-yaallay, waxa ka hor yimid Caqabado iskugu jiray, kuwo Sharci, kuwo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed, sida Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, taasi oo aan illaa hadda laga gaadhin Xal ama heshiis midnaba, Xeerkii Doorashada iyo Diwaangelinta oo udub dhexaad u ah qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo degmooyinka ee isku sidkan oo illaa hadda aan la ansixin, diwaangelintii Cod-bixiyayaasha oo laf-dhabar u ah Doorashada, Sharciguna dhigayo in doorasho kasta ka hor la sameeyo diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, Diwaangelintaasi oo aan inoo qabsoomin, Xisbiga WADDANI oo ku dhawaaqay bishii March, 2018 inuu joojiyey dhammaan wada-shaqayntii ka dhaxaysay isaga iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, taasi oo Caqabad ku noqotay Shaqadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Wada-xaajoodkii u dhexeeyay Saddexda Xisbi Qaran oo iyagana illaa hadda wax Xal ah ama Isfahan ah aan laga gaadhin, Miisaaniyaddii lagu galayey Doorashadan isku Sidkan oo iyaduna aan weli dhamaystirnayn ama aanaan wada haynin. Caqabadahaasi waxay suurto-gal ka dhigi waayeen in komiishanka Doorashooyinka Qaranku shaqadiisii qabsado isla-markaana sidii qorshuhu ahaa Waddanka ka qabto doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhici lahaa 29-ka bisha Saddexaad, 2019-ka..”

Guddoomiyaha Komiishanku wuxuu sheegay “Duruufaha jira ee aanu soo sheegnay awgeed, Komiishanku wuxuu caddaynayaa in doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanku aanay qabsoomayn wakhtigii loo cayimay oo ahaa 29-ka bisha Saddexaad, 2019-ka…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey Guddoomiyaha Komiishanku oo uu sheegay haddii la xalliyo arrimahaa doorashada dib u dhigaya ay u baahan yihiin muddo 10 bilood ah oo ay ugu diyaar-garoobaan in doorashadu dhacdo “Arrimahaa inna hor-yaalla haddii la xallilo, Komiishanka Qaranku wuxuu u baahan yahay ugu yaraan inuu shaqeeyo 10 bilood oo xidhiidh ah si ay u qabtaan doorasho ka bilaabmaysa marka la xalliyo Arrimahaa inna hor-yaalla..”

Komiishanka oo aan sheegin wakhti kale oo ay u cayimeen in doorashooyinkaasi dhacaan, ayaan la waydiin wax su’aalo ah, ka dib markii ay diideen.

Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada Golaha Wakiillada oo la doortay September 2005 oo ay ahayd in la qabto bishii September 2010, halka ay tahay markii labaad ee ay dib u dhacdo doorashada Golaha Deegaanka oo la doortay bishii 28 November 2012 wakhtigooduna ku ekaa 2017.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply