SOMCABLE

Somaliland Digniin & Hanjabaad Ah U Kala Diray Hoggaamiyeyaasha Dalalka Soomaaliya, Geeska Afrika Iyo Beesha Caalamka

”Somaliland Haddii Laga Tixgelin Waayo Ciidammada Badda Cas Xaggee Loo Wadaa Miyaase Laga Maarmi Karaa…”-Madaxweyne Biixi

Hargeysa, 19 May, 2019 (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga ula hadlay madaxda dalkaasi Soomaaliya, iyo dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa arrintan kaga hadlay khudbadii uu shalay ka jeediyey xuska iyo dabaaldega sanadguurada 28aad, waxaanu ugu horreyn uu farriin u diray Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, waxaanu yidhi, ”Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo waqtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya”, waxaanu intaasi uu ku daray, ”Walaalayaal, Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo ah laba dal oo xor ah oo ay kala gumeysan jireen Ingiriis iyo Talyaani ayey midoobeen 1960-kii, markaa 30 sanadood oo toban sano dagaal ku jireen iyo labaatan sano oo ciil, cadho iyo isqabqabsi ah ayey mideysnaayeen, waxaanay kala maqnaayeen 28 sanadood”.

Intaasi kadibna, Madaxweynuhu waxa uu farriin toos ah u diray hoggaamiyayaasha Xukuumadda Soomaaliya, ”Raggan, hadda Muqdisho ka taliya ee Farmaajo iyo Kheyre waxaanu u sheegaynaa bal caqliyadooda in labadan dal oo 28 sanadood kala maqan oo dadka maanta nooli ee qofka 50jirka ah ee Somaliland joogaa uu garaadeystay iyadoo dagaal ku jirta oo iska xoreynaysa hadimadii iyo khasaarihii koonfur ka soo gaadhay, waxaanay ku soo ceshatay xoog, dhiig iyo hanti wixii ay laheyd oo ay u hurtay, markaa Ninka maanta Muqdisho jooga ee 50jirka ahi ma yaqaano Somaliland oo midnimadii horena lama xuso, waxaanu garaadsaday iyagoo dagaalamaya, markaa waxaanu leenahay dadka Soomaaliya maanta ka taliya intii aad dhibaato Somalialnd gaadhsiiseen 30kii sanadood waxa kale oo ka xun oo ka hawl iyo culeys badan oo nagaga khasaare badan 28ka sanadood ee aynu kala maqnayn ee aad caalamka ku laheydeen ma xorroobi karaan oo ma ictiraafayno oo qayb naga mid ah”.

Dhinaca kalena, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay xaaladda Badda cas iyo qorshaha waddamada ku aadani ka leeyihiin iyo halista ka dhalan karta ka maqnaashaha Somaliland, ”Somaliland waxay diyaar u tahay inay si xor ah uga qayb qaadato isbeddelka ka socda Geeska Afrika, markaa Somaliland waxay ka qayb galaysaa iyadoo xor ah oo ninka indhaha ka laliyaa waa nin aan doonayn oo aan u socon in Geeska Afrika uu horumar gaadho, waayo Somaliland la’aanteed gobolku horumari maayo, waayo Somaliland dal qaybtiisa iyo miisaankiisa ku leh Geeska Afrika, balse dhawaan waxaanu maqalnay in la sameynayo ciidamo nabadgelyo oo Badda cas ah, waxaanan la yaabanahay ragga fikradaa leh ee gobolka ka tirsan ee doonaya in badda cas nabadgalyadeeda xoojiyaan ama iska kaashadaan ee Somaliland oo leh inta ugu badan ee Xeebta badda cas, markaa Somaliland haddii laga tixgelin waayo ciidammada badda cas xaggee loo wadaa miyaase laga maarmi karaa, mise Somaliland cid ayaa xaquuqdeeda xoog kaga qaadi karta, waa arrin la yaab leh waxaanan leeyahay haddii la abuurayo iskaashi ku sallaysan Badda cas Somaliland kow ayey ka tahay oo diyaar ayaanu u nahay in aanu cid kasta kala shaqeyno, balse Aqbali mayno in aanu ka maqnaano wixii laga qabanayo mandaqada Geeska Afrika iyo Badda Cas”. Ayuu yidhi Madaxweynaha JSL

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply