SOMCABLE

Somaliland: Dadweynaha Oo Naawilaya In La Soo Dhiso Xukuumad Tiro Yar, Oo Tayo Badan Iyo Madaxweynaha La Doortay Oo Ka Qayliyey Culeyska Saaran

Dadweynuhu waxay doonayaan In Madaxweynuhu haggaajiyo Maamul-wanaagga oo ku iman kara in dib loo eego xilalka, qaab-dhismeedka maamul ee Hay’adaha Dawladda iyo in la qeexo waajibaadkooda

Hargeysa, 27 Noofambar, 2017-(Himilo) – Ka dib, markii Guddiga Doorashooyinka Qaranku 21-kii bishan ku dhawaaqeen in doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka Madaxweynaha Shanta Sannadood ee soo socda loogu doortay Muuse Biixi Cabdi oo Musharrax Madaxweyne-nimo ugu tartamayey Xisbiga KULMIYE.

Warka KoowaadKu dhawaaqidda Natiijada Doorashada ee ay ku guuleysteen Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharrax Madaxweyne iyo Cabdiraxmaan Saylici oo Musharraxa Madaxweyne u ahaa, ayaa Shacabku bilaabeen Su’aalo ay dhammaan Jawaabahoodu ku aroorayaan Madaxweynaha la doortay, kuwaasi oo ku aadan Sawirka ay yeelan doonto Xukuumadda uu dhawaan soo dhisayo.

Su’aalaha ay Dadweynuhu dhexdooda isweydiinayaan, balse jawaabtoodu ku xidhan tahay Ficilka Maalmaha soo socda ee Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa ka mid ah ‘Tirada inay ka koobnaan doonaan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda uu soo dhisayo’ iyo sida Hannaankooda maamul noqon doono.

Su’aalahani weli ma helin Jawaabo, maaddaama oo Madaxweynaha la doortay aanu Xilka la wareegin, Xukuumadna aanu soo dhisin, laakiin Muwaadiniinta reer Somaliland ee xiisaynaya Arrimahan, ayaa qaarkood iyaga oo ka wallaacsan dhibaatadii maamul iyo nidaam xumo ee soo martay ee ay sababtay tiradii xubnaha Golaha Wasiirrada ee badneyd ee Xukuumadda Xilkeedu dhammaaday oo ku dhawaaday boqol xubnood, ayaa waxay soo jeedinayaan Talooyin ay ka mid yihiin, in Madaxweynaha la doortay uu soo dhiso Xukuumad kooban, iyagoo taa ku kaabaya in haddii uu Xukuumad ka kooban Tiro yar oo Wasiirro ah ay dhib-yaraanayso in Madaxweynuhu ka dhabeeyo oo fuliyo Ballan-qaadyadii horumarineed ee uu Ololaha Doorashada ku soo galay.

“Haddii Madaxweynaha la doortay soo dhiso Xukuumad ka kooban Wasiirro tiro yar, waxa u fududaanaysa inuu fuliyo ballan-qaadyadiisii la xidhiidhay Horumarinta Dalka, waana astaanta ugu horreysa tallaabadaasi ee dadweynuhu ku garan karaan inuu soo dhisay xukuumad tayo leh oo dadka iyo dalka horumar gaadhsiin karta.”Sidaa waxa yidhi Maxamed Axmed oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Hadduuse ku mashquulo raalli-gelinta Beelaha iyo shaqsiyaad uu xilalka Qaranka inuu u dhiibo ugu abaal gudo iyo waliba qaraabo iyo qoys kiil waxba qaban maayo ee yaan waxqabad laga sugin.”

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa Madaxweynaha Xilku ka dhammaaday Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo aad ugu dhalliila in Xukuumaddiisu tiro badan tahay, culeys dhaqaale-na ay ku hayso Qaranka, maaddaama Wasaaradaha Qaranka ay mid walba is-dul-fadhiyaan Dhowr Masuul oo dhammaantood Digreeto Madaxweyne ku Magacaaban, sida Wasiir, Wasiir ku-xigeen, Wasiirru-Dawle iyo Agaasime Guud, kuwaasi oo dhammaantood si gaar-gaar ah ugu baahan Gaadiid, Shidaal, Guri iyo Tasiilaad kale oo dhammaan kharashaadkoodu saaran yahay Dawladda. Sidoo kalena tiradaasi badan ee xukuumaddu waxay sababtay in uu lumo nidaamkii maamul iyo wada shaqayntii iyo kala dambayntii masuuliyadeed iyo wada shaqayntii kale ee hay’adaha xidhiidhka shaqo leh, iyo waliba isla xisaabtankii qummanaa.

Qodobka labaad ee Dadweynuhu doonayaan in Madaxweynaha la doortay haggaajiyo ayaa ah Maamul-wanaagga oo ku iman kara in xilalka dib loo eego, qaab-dhismeedka maamul ee goobaha dawladda iyo in la qeexo waajibaadkooda iyo in la dejiyo barnaamijkooda hawleed ama shaqo, lana kala qeexo waajibaadka masuuliyadeed ee masuuliyiinta Xilalka loo dhiibayo, isla-markaana loo magacaabo dad xil kas ah oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh oo u kala qaybsan siyaasiyiin iyo farsamo yaqaano (Wasiirro iyo Agaasimeyaal) daacad u ah dalka iyo dadka, kuwaasi oo si toos ah loogula xisaabtamo xilka Qaran ee ay hayaan iyo sida ay u gutteen waajibaadkii saarnaa, isla-markaana uu si mug leh u tayeeyo Wasaaradaha laf-dhabarta u ah adeegyada Bulshada, Siyaasadda, Wax soo-saarka iyo Dhaqaalaha iyo waliba in la dhiiri galiyo oo miisaaniyad ku filan la siiyo hay’adaha la xisaabtanka ku shaqada leh, iyadoo si toos ah shaqadooda iyo gudashada waajibaadkooda loo madax-bannaaneynayo.

Haddaba, Madaxweynaha loo doortay JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii xilka Madaxweyne inuu ku guuleystay loogu dhawaaqay ka hadlay go’aan qaadashadiisa iyo dhismaha xukuumaddiisa cusub, waxaanu yidhi “Indhaha ayaan isku qabanayaa oo waxaan isku deyayaa calool-adeyg aanan lahayn oo go’aan adag ayaan qaadanayaaye ee hadhow ha calaacalina oo ha odhanina Ninkii sidee ayuu wax leeyahay”. Waxaanu intaasi ku daray “Intiinaasi oo dhan go’aanka aan maanta qaataa wada raalli gelin maayo, waa se dhab inaad Xisbiga ahaanaysaan oo ku kala tegi meyno, laakiin in badan baa qalad u arkaysa oo odhanaysa muxuu sidaa u yeeli waayey, waxaadse ii doorateen rayigaaga ku soco oo meel haggaagsan na gee, laakiin qaadan kari maayo waan ku doortee taladayda yeel, immisa ayaan taladooda yeelaa”.

Intaasi kadibna, Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi waxa uu codsi u kala diray qolqol jooga iyo qurbe-jooge “Calool adeygu waa waxa lagula barbar taagan yahay, haddii dadka ku ag joogaa ku yidhaahdaan arrintaa sax ayaad ku tahee soco waad ku soconaysaa, laakiin haddii intii aad isku Xisbi iyo Asxaabta ahaydeen uu midba mar iyo habeen kuu soo duso, dee aadmi ayaad tahay oo kolba gees ayaad eegi, balse waxaynu ku heshiinay sharcigu ha sareeyo oo go’aanka hala qaato oo dawladda hala wanaajiyo, inaynu taa ka wada midowno ayaa wanaagsan”.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha la doortay Muuse waxa uu iftiimiyeyduruufaha ku xeeran magacaabista Xukuumadda iyo saamaynta ay yeelan karto, “Toddobaadyada soo socda kolley waa markii xubnaha Xukuumadda la magacaabayee Ninkii sida uu doonayey waayoow waxba ha niyad-jabin, Qof baa kula wanaagsan oo aad is leedahay wax buu qabanayaa ee haddii ku kale oo aanad fileyn gacantu igaga dhacdo, ha ila yaabin ileyn adiga ma ihiye, oo waxaan is lahaa wax wanaajiye”ayuu yidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply