SOMCABLE

Somaliland: Ceelkii U Horreeyay Ee Loogu Talo-galay Wax Soo-saarka Beeraha Oo Shalay La Dhagax-dhigay, Qodistiisana La Bilaabay

Wajaale, 28 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Beeraha Jamhuuriayadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Ceel-biyoodkii u horreeyay ee loogu Talo-galay in kor loogu qaado wax soo-saarka Beeraha Somaliland, kaasi oo laga dhigay Banka Wajaale.

Ceel-biyoodkan la dhagax-dhigay oo Isla Shalay Qoddidiisa la bilaabay, ayaa waxa Munaasibaddii Dhagax-dhiggiisa waxa ka qayb-galay Maamulka Gobolka Gabiley, ka Degmada Wajaale, Masuuliyiin ka socday Hay’adda fulinaysa Mashruucan oo ay Somaliland ugu deeqday Dawladda Kuwait iyo Masuuliyiin kale oo muhiim ah oo uu ka mid yahay Isku-duwaha Gobolka Gabiley ee Wasaaradda Beeraha JSL.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeeddada loo qodayo Ceel-biyoodkan, waxaanu yidhi  “Sharaf bay noo tahay inaanu Maanta Dhagax-dhigno Ceel-biyoodkan oo aynu ka qodayno Gobolka Gabiley, gaar ahaan degmada Wajaale, Ceelkan waa Ceel aanu ugu Talo-galnay inaanu wax soo-saarka kor ugu qaadno, waana Ceelkii ugu horreeyay ee Dalka laga qodo ee loogu talo-galo dhinaca wax soo-saarka.”

Wasiirku wuxuu sheegay inuu Dalka Turkiga ka keenayo Qalab Casri ah oo Beeraha lagu Waraabiyo, marka Ceel-biyoodkani dhammaado ee Biyaha laga soo saaro “Marka Ceelkan la qodo Turkiga ayaanu ka keenaynaa Qalab Casri ah oo Beeraha lagu Waraabiyo, kaasi oo Dadka reer Somaliland ku farxi doonaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu u Mahad-naqay Dawladda Kuwait oo Ceel-biyoodkan Maalgelisay iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha “Waxaan u Mahad-naqayaa Wasiirka khayraadka Biyaha iyo Dawladda Kuwait oo naga caawisay..”

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland, Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Ceelkani ujeeddooyin badan ayuu yeelanayaa, mar waxa loogu talo-galayaa in Wasaaradda Beeruhu ay ku beerato wixii ay u aragto in Dalku u baahan yahay, waxa kale oo looga faa’idaysanayaa wixii kale ee Dan la moodo, hadday noqoto Xoolo iyo wixii kale ee la xidhiidha.”

Ceel loogu Talo-galay Wax soo-saarka Beeraha Oo Laga Qodayo Wajaale

Wasiir Koore waxa kale oo uu sheegay “Ceelkan waxa Sharciyan leh Wasaaradda khayraadka Biyaha, laakiin isticmaalkiisa waxa yeelan doonta Wasaaradda Beeraha..” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland.

Gebogabadii waxa halkaa ka hadlay Maamulka Gobolka Gabiley iyo Masuul ka hadlay Hay’adda fulinaysa Mashruucan.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply