SOMCABLE

Siyaasiyiin Muxaafid Iyo Mucaarid Kala Ah Oo Ka Dareen Celiyey Go’aankii Madaxweyne Biixi Ee Qayb Ka Mid Ah Cafiska Ciidankii Korneyl Caarre

Hargeysa, 08 Oct, 2019 (Himilo)-Siyaasiyiin Muxaafid iyo Mucaarid kala ah oo ka soo kala jeeda Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa ka dareen celiyey go’aankii uu Madaxweynuhu dorraad uu ku cafiyey qayb ka mid ah Ciidankii uu hoggaaminayey Korneyl Siciid Cawil Caarre, isla markaana uu ku sheegay in aanu awood u laheyn in uu cafiyo Sarkaalkaasi ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo.

Ugu horreyna, Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii Somaliland soo maray ayaa isagoo ka hadlaya sida uu arko natiijada ka soo baxday kulamadii Madaxweynaha iyo Ergada Odeyaasha ahaa ee uu Madaxweynuhu ku cafiyey qayb ka mid ah Ciidanka Caarre, waxa uu yidhi, “Waxa dhacay arrin aynu beryaha ba hadal haynay ayaa ILAAHAY taladiisii soo ururiyey oo arrin nabadeed ayuu ahaa oo waxaan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL iyo intii kale ee ka soo shaqeysay Nabadaasi, waxaanan hubaa in cid kasta oo ka soo shaqeysay iyo guud ahaan ba ummaddu faa’iidadaasi wada leeyihiin oo aynu wada garanayno in buqcad yar oo dalkeena ka mid ahi aanay nabadgelyo darro lagu hadal hayo ee ILAAHAY dalkoo dhan nabad ha inooga dhigo”. Ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse

Xildhibaan Maxamed Yuusud Waabeeye oo isaguna ka mid ah Xisbiga Waddani ayaa isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Runtii arrinkaasi dhacay muhiimadiisa ayuu lahaa oo weynu soo dhaweynaynaa in la soo afjaraa aad iyo aad ayey u fiican tahay, waayo waxa la yidhaa halka sano ee dagaalka ahi waxa uu dib u ridaa soddon sanadood markaa tobankii sanadood ee ay SNM dagaalka ku jirtay saddex boqol oo sanadood ayeynu waddamadii aynu ka horreynay ka hadhney, markaa wiig iyo bil toona dagaal uma baahnin waxaanan leeyahay dadkaasi wada dhashay warar wanaagsan ayaa laga sheegayaa ee halkaasi ka sii wada, annagu nabadgelyo ayaanu wax ku leenahay oo Muuse Biixi waa Madaxweyne oo berritoole waxa uu noqon karaa Qof caadi ah oo kale, markaa ta aanu dooneyno in aanu xukunaa waa taasoo nabadgelyo ah oo maaha mid curfi leh iyo mid laysku dilayo iyo mid beeluhu kala go’an yihiin ee waa mid uu wanaag ka jiro”. Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply