SOMCABLE

Sigaarka Elektarooniga Ah Oo Gallaaftay Nolosha Wiil Dhallinyar Ah Oo U Dhashay Dalka Maraykanka !

Dad aad u tiro badan ayaa waxay aad u isticmaalaan sigaarka Electronic-ga ah waxaanay dadkaasi aaminsan yihiin in isticmaalka sigaarka Electronic ah uu ka saamayn iyo dhibaato yar yahay sigaarka caadiga ah.

Wiil u dhashay Gobolka Texas ee dalka Marayknaka ayaa waxa Noloshiisa gallaaftay sigaar Electronic ah.

Wiilkaasi dhallinyarada ahaa ayaa waxay da’diisu aheyd 25 jir waxaana magaciisa la odhan jiray Willaim Brown, Willaim ayaa waxa ku qarxay Sigaarkaasi Electronic-ga ah ee uu cabayey waxaanu u geeriyooday Dhaawac halis ah oo soo gaadhay sambabkiisa.

Sida lagu baahiyey shabakada Wararka ee CNN oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay waxay dhacdadani ka dhacday Goob baarkin ah oo baabuurta loogu tala galay waxaanu wiilkaasi yari ka soo baxay meherad u dhaweyd oo lagu iibiyo sigaarka, kadib markii uu wiilkaasi ku qarxay sigaarku waxa Isla markii ba meheradii ka soo baxay ninkii lahaa waxaanu isla markii dalbaday Gaadhi Ambulance ah waxaana markii ba la xaqiijiyay in wiilkaasi uu geeriyooday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply