SOMCABLE

Sidee Ayaad Kor Ugu Qaadi Kartaa Xasuustaada !

Dad aad u tiro badan ayaa waxay cabasho ka muujiyaan xasuustooda oo hoos u dhacda, kuwaasi oo u badan Da’yarta, dadka noocaasi oo kala ah ayaa waxay had iyo jeer ku dedaalaan sidii ay xasuustooda kor ugu qaadi lahaayeen.

Dadka qaar ayaa waxay isticmaalaan Irbado ay xasuustooda kor ugu qaadayaan, balse arrintaasi waxa weheliya dhibaatooyin caafimaad oo saamayn ku yeelan kara Maskaxda, waxaana jira xal aad u fudud oo uu qofku xasuustiisa kor ugu qaadi karo.

Deraasad cilmiyeysan oo lagu baahiyay Barta Care2 oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa lagu cadeeyay in xalka ugu fudud ee qofku xasuustiisa kor ugu qaadi kara ay tahay inuu ku dedaalo inuu ka neefsado Sanka.

Deraasadan oo ay soo bandhigeen Khubaro u dhalatay Dalka Sweden ayaa waxay sidoo kale u xaqiijiyeen in neefsashada Sanku ay ka qayb qaadato keydinta Macluumaadka iyo sidoo kale mid fudud ay maskaxdu wax u xasuusan karto, xalkaasi aadka u fudud ayaa ah xalka uu qofku xasuustiisa kor ugu qaadi karo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply