SOMCABLE

Shirweyne Lagu Qiimeynayo Maamulayaasha Gobollada Iyo Degmooyinka Oo Hargeysa Laga Furay

Hargeysa, 15 August, 2019 (Himilo)-Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda  Somaliland Md. Sacad Cali Shire, ayaa magaalada Hargaysa ku daah-furay Shirwayne lagu qiimaynayey Maamulayaasha Gobollada iyo degmooyinka dalka ee Waaxaha Kastamada iyo Cashuuraha Barriga.

Shirwaynahan oo socon doona muddo laba maalmood ah, isla markaana la soo xidhi doono Khamiista maanta, haddii Ilaahay yidhaahdo, waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Md. Sacad Cali Shire, Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda Md. Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Dhego-wayne, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Md. Axmed Daa’uud Geeddi, Agaasimaha Waaxda Kastamada Maxamed Axmed Wayrax iyo Agaasime-ku-xigeenka Cashuuraha Barriga Khadar Maxamed Maxamuud, kuwaas oo dhammaantood soo bandhigay Muhiimadda ay kulamada noocan oo kale ah u leeyihiin dakhli-ururinta iyo guud ahaan Shaqada Wasaaradda Maaliyaddu qaranka u hayso.

Sidoo kale, waxa shirkaas hadal ka jeediyey dhammaan Maamulayaasha Kastamada iyo Cashuuraha Barriga, kuwaas oo mid walba tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay, sida uu yahay wakhtigan dakhliga laga rabay inay soo saaraan.
Madaxda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ugu soo bandhigeen caqabadaha shaqo ee haysta.

Dhinaca kale, Masuuliyiintii tababarkaasi iskugu timid waxay halkaas sidoo kale isku waydaarsadeen khibrado shaqo, iyagoo xubno ka mid ahi ay halkaasi ku soo bandhigeen dhacdooyin cajiib ah oo ay la kulmeen muddadii ay shaqeynayeen.
Shirwaynahan oo muddo laba maalmood ah socon doona, ayaa qaybtiisii hore oo galinkii hore ee shalay qabsoontay loo qabtay Waaxda Kastamada ee caasimadda Hargeysa, halka galinkii dambe ee isla shalayna gaar loogu qabtay Waaxda Cashuuraha Barriga, iyadoo la soo gabagabayn doono Khamiista maanta, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply