SOMCABLE

Shirkii Golaha Wasiirada Ee Somaliland Oo Lagaga Hadlay Xaaladda Dhallinyarada, Beelaha, Duurjoogta Iyo Go’aanada Laga Soo Saaray

Hargeysa, (Himilo)-Kal-fadhigii shanaad ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 08.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda dhexmara qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland,  saamayn tabanna ku yeeshay bulshada Somaliland, sidoo kale waxa wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhallinyarada rabshadaha ka sameeya magaalooyinka waa weyn ee dalka qaarkood.

IMG_0087 IMG_0000Golaha wasiirraddu waxay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo lagu xakameeyo lagagana hortago in isku dhacyada beeluhu aanay dib u soo noqon iyo in la xoojiyo nidaamka dawladnimada si bulshadu u hesho nabadgelyo buuxda, wixii dhibaato ah  ee iminka jirana lagu dhammeeyo hab dawladnimo.

Dhanka kale waxa wasiirradu ku dheeraadeen inay dalka ka jirto xaalad abaareed loona baahan yahay in la helo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha dalka ku soo noqnoqonaya iyo in la sameeyo daraasad sal ballaadhan oo ku wajahan abaaraha.  Sidoo kale waxa  golaha wasiirradu ka hadleen ka ganacsiga noocyada duur-joogta oo qaybo dalka ka mid ah laga soo sheegay, gabagabadii shirka waxa ka soo baxay qodobadan:-

  1. In guddida nabadgelyadda golaha wasiirradu ay daraasad qotto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha ee in badan soo noqnoqonayey.
  2. In la sameeyo daarasad cilmiyeysan iyo qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashadaan aqoonyahannada iyo Jaamacadaha Dalka.
  3. In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc tahay in muwaadiniin iyo Ajaanibtu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc kasta oo ay tahay iyo fal kasta oo lagu dhibaataynayo, “Duurjoog: waxa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxaanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kalluunka”.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply