SOMCABLE

Shirkadda Telesom Oo Si Mug Iyo Miisaan Leh Uga Qayb-Qaadatay Shirweynaha Horumarinta Tignoolajiyadda Somaliland

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Oo Ka Xog-Warramay Dedaalkoodii Hirgelinta Adeegga Internet-Ka Iyo Guulaha Ay Shirkadoodu Ku Tallaabsatay

Hargeysa, 08 Sep, 2019 (Himilo)-Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom, ayaa wacdaro ka dhigtay shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland oo shalay ka furmay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, Shirkan waxa furay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Sidaana waxa lagu sheegay war-Xayeysiis ah oo Shirkadda Telesom soo saartay xalay, shirkan waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay xubno Golaha Wasiirrada ka mid ah, ganacasatada waaweyn ee dalka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariim Maxamed Iid oo shirkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey marxaladdihii tiknoolajiyadeed dalku soo maray, waxaannu sheegay in bishii October ee sannadkii 2000-ka ay daah-fureen shirkaddii ugu horreysay ee noqotay shirkadda bixisa adeegga Internet-ka (Internet provider).

Muddane Cabdikariin Maxamed Iid oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo ka warbixiyey sidii ay dalka ugu hirgeliyeen khadka Internet-ka, waxa uu yidhi, “Waxaannu ka soo qaadanay tiknoolajiyaddan oo aan heshiis la soo galnay shirkadda ETISALAT ee Imaaraadka Carabta. Waxa ka horreeyey qolo Maraykan ah oo aan Dubia ugu tagay waxaanan ku idhi ‘Waxaanu rabnaa in aan satellite Internet idinka qaadano, wuxuu igu yidhi; ‘xaddigaad qaadan kartaa waa immisa? Waxaan is idhi; ‘waxba buunbuunin ha ku darinee u sheeg, waxaan ku idhi; ‘waxa ugu badan ee aannu qaadan karnaa waa 512kb, ninkii intuu si aad ah iigu qoslay buu yidhi; ‘Cabdikariinow, daarta halkaa ka soo jeedda ayaa 2mb qaadata, dal dhan ayaa 512kb u rabtaa miyaa?!. Waxaan ku idhi; ‘haayoo Tiknoolajigu waa wax nagu cusub oo isbeddel baa iman doona, wali dadkayagu qalabkii, tiknoolajiyaddi iyo aqoontii wali maanu soo kobcin.’ Wuu iga diiday, kadibna qolodaa Imaaraadka Carabta ayaan u tagay,” ayuu yidhi Cabdikariin Maxamed Iid.

Md. Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa sheegay in maanta shirkaddaha dalka Somaliland ay isticmaalaan wax ka badan 100GB, waxaanu yidhi; “Waana wax Ilaahay loogu mahadnaqo, waan runtii wax ay ammaanteeda iyo wanaageeda leedahay Xukuumadda Somaliland ee Allaaha ha u naxariistee uu gundhigga u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.”

Shirkadda Telesom, ayaa sannad walba soo bandhigta adeegyo casriya, adeegyadaas oo qaarkood ay Somaliland magac weyn caalamka uga soo jiideen, sida adeegga ZAAD, oo hadda laga wado dunida in loo guuro lacagta elektaroonig ah, sida daraasadda uu wado maal-qabeenka Bill Gates. Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale soo bandhigtay adeegyo casriya oo ay ka mid yihiin sarifka lacagaha (Mobile Exchange), Internet-ka 4G, Adeegyadda: ILA-SOCO, Dhambaal, Aqoon-maal iyo adeegyo kale oo tiro badan. Shirkadda Telesom ayaa mar walba dedaal aan kala go’ laheyn ugu jirta inay dalka keento adeegyo cusub oo horumarka bulshada ee dhinacyada aqoonta iyo dhaqaalaha wax weyn ku soo kordhin kara.

Shirkadda Telesom ayaa dedaalka Tiknolajiyadeed ay ku jirto looga aqoonsaday dunida, waxaana sannadkii 2018 shirweynaha Tiknoolajiyada ee Afrika ee ka dhacay South Afrika ay shirkadda ka soo hoysay guul weyn oo loogu aqoonsaday inay tahay hoggaanka Tiknoolajiyada ee Afrika 2018. Shirkadda ayaa hiigsanaysa inay noqoto hoggaanka isgaadhsiinta ee dunida haddii Alle idmo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply