SOMCABLE

Shirkadda Somtel Oo Adeegyo Cusub Ku Soo Bandhigtay Carwada Tiknoolajiyadda Somaliland

Masuuliyiinta Shirkadda Somtel Oo Ka Hadlay Casriyeynta Adeegyada Ay Bixiyaan Iyo Doorka Ay Ka Qaateen Qabsoomidda Carwaddan

Hargeysa, 08 Sep, 2019  (Himilo)-Shirkadada Somtel oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa  qeyb weyn ka qaadatay shirweyne lagaga hadlayo Tignoolajiyadda casriga ah  oo ka furmay magaalada Hargeysa shalay.

Shirkadda Somtel oo soo saartay war-xayeysiis ah xalay, ayaa sheegtay inay halkaas ku soo bandhigtay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay, kuwaasoo qayb ka ah raalli-gelinta macmiishooda iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee ay shirkaddu ku hawlan tahay.

Madaxa Waaxda Hawl-gelinta ee Shirkadda SOMTEL Mr. Xasan Sheekh Maxamuud Suufi oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi; “Runtii shirkad ahaan waxaannu 2011-kii  markii ugu horreysay dalka aannu ka hirgelinay adeegga 3G, 2014-kiina adeegga 4G-ga, iminkana waxaannu ku rajo-weynahay in aannu ku soo kordhinyo adeegga 5G, taas oo waddanka guud ahaantii sumcad weyn u sameyn doonta.”

Waxaannu intaas ku daray; “Ka shirkad ahaan maanta waxaannu halkan ku soo bandhigi doonaa Barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin adeegyadii shirkadda iyo kuwo kale oo cusub oo ay maanta ugu muhiimsan yahay adeegga Mobile Banking oo kuu sahlayaa in adiga oo adduunka meel kasta ka jooga aad maamusho xafiiskaaga iyo ganacsigaaga, sidoo kale, waxa madasha ku diyaar ah adeegyadii kale ee shirkaddu qaban jirtay haddii ay noqoto E-Dahab iyo Internet-kii.”

Waxa kaloo madasha ka hadlay Mr. Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ah madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada ee shirkadda SOMTEL, waxaannu si faahfaahsan uga war-bixiyey adeegyo cusub oo ay shirkaddu daah-furtay, waxaanna uu yidhi; “Waxaan aan jecelahay in aan bulshada halkan ugu soo bandhigo dhawr adeeg oo kala duwan oo  shirkadda  SOMTEL ay ku soo bandhigtay carwadan, waxaana adeegyadaas ka mid ah adeeg aad iyo aad u casri ah  oo ah adeeg la yidhaahdo “REACHME”  waana adeeg aannu ugu talogalnay macaamiisha kala duwan ee gudaha joogta iyo ehelada iyo asxaabtooda dibadda joogta in uu isku xidho, waana adeeg fudud oo si lacag la’aan ah  oo aan odhan karo waa iska bilaash oo kale ay macaamiishu ula soo hadli karaan eheladooda dalka joogta, iyagoo lacag yar ku soo dejisandoona Application ka Somtel reachme.

Adeegani  waa Application aad galeyso Internet-ka  adiga oo kala soo degaya App Store-ka,  waxaana aad ku isticmaali kartaa  Mobile-kaaga iyo Laptop kaaga-ba, waxaanna uu adeegaasi kuu xisaabin doonaa lacag  yar oo aad  u jaban, qofka aad soo waceyso  waxaa looga baahan yahay oo kaliya in uu sito khaadh-ka SOMTEL, umana baahna qofkaasi Internet iyo Mobile weyn oo casri ah, qofka dibadda jooga oo  kaliya ayaa ah qofka la soo degi doona App-kan, isla markaana awoodi doona in uu la soo hadlo dhammaan cid kasta oo uu doonayo oo sidata  kaadhka SOMTEL, waxaana aannu jecelnahay in ay adeegaas ka faa’iideystaan dadka qurbo-jooga ah.”

Waxa kaloo uu Mr. Khadar uu dul istaago adeegyo kale oo shirkadda SOMTEL soo bandhigtay, waxaannu yidhi; “Shirkaddu waxa ay macaamiisha ay u sameysay qiimo-dhimis ilaa boqolkiiba shan iyo labaatan ah 25%, dhinaca adeega 4G-ga marka ay macaamiishu iibsaneyso, waxaana aannu macaamiisha ugu bushaareynayaa, uguna baaqeynaa  in ay ka faa’iideystaan inta ay carwadani socoto. Waxaanu sidoo kale macaamiisha aannu la wadaagaynaa in aannu soo kordhinay adeeg cusub oo ku siinaya Internet aan xaddi laheyn, kaas oo aad qiimo yar bixin doonto, isla markaana aad isticmaali doonto bishan oo dhan.”

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Somtel Mr. Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi, ayaa sidoo kale iftiimiyey doorkii ay shirkaddu ka ciyaartay carwadda ka socota Hargeysa, waxaannu yidhi; “Shirkad ahaan waxaannu carwadan ka qaadaneynay qeyb aad u laxaad weyn haddii ay noqoto dhinaca LIVE-ka   iyo Interne-ka WI- FI ee meesha lagu isticmaalayey.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply