SOMCABLE

Shirkadda RED SEA Oo Iska Difaacday Eedo Xukuumaddu Ugu Jeedisay Shidaal Ay Dalka Keentay Oo Dhibaato Ka Dhalatay, Gaashaankana Ku Dhufatay Ganaax La Dul-Dhigay

Hargeysa, 9 Meey, 2018 (Himilo)-Shirkadda shidaalka soo dejisa ee Red sea ayaa si adag gaashaanka ugu dhufatay ganaax-lacageed oo uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), uu Shalay dul-dhigay, isla markaana waxay si adag u beeniyeen eedo uu wasiirkaasi u jeediyey oo ah in shirkadda Red sea tahay Shirkadda leh Shidaal wasakhaysan oo fadhiisiyey Gaadiid badan oo kuwa Dadweynaha ah.

Wasiirka Ganacsiga oo Shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shirkadda Red sea ay soo iibsatay Shidaalkan iyadoo buu yidhi og inuu wasakhaysan yahay, balse Shirkaddu eeddaasi si adag ayay u beenisay.

Shirkadda Red sea waxay ku doodday in aanay qarin in shidaalkan ay Oxygen-tu ku badan tahay, balse ciddii ay shaqadeeda aheyd inay dalka ka hubiso ay si cad ugu ogolaatay in shidaalkaasi la dejiyo oo lagu shubo Haamaha Kaydka Shidaalka, sidaasi awgeedna ay masuuliyaddiisu ka wareegtay shirkadda Red sea oo ay u wareegtay Maamulka Shaybaadhka Shidaalka ee Berbera.

Sidaana waxa Wargeyska Himilo uga warramay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah mulkiilayaasha shirkadda Red sea, isagoo ugu horreyn ka hadlaya cabashada iyo dhibaatada ka dhalatay shidaalkani, waxa uu yidhi “Runtii, shidaal laga cabanayaa inuu dalka yimid muran kama taagna, keenistiisana keli kumay aheyn shirkadda RED SEA ee shirkad kale ayaa ku wehelinaysay, laakiinse in aanu annagu keenayna muran kama jiro oo waa wax la hubo”.

Sh Xasan waxa uu intaasi ku daray, “Waa in marka hore la isweydiiyaa, shidaalkan sababta looga cabanayo?, Sidee ayuu dalka ku yimid?, Yaase xaq u lahaa inay joojiyaan?, Gannaaxa immika la sheegayana maxaa sabab looga dhigtay?, Sharcigee ayuu gannaaxani ku dhisan yahay oo aasaas u ah?, Awoodda gannaaxu sidee ayuu ku samaysmi karaa?, Wasiir-se awood intee leeg ayuu u leeyahay?, Ma jiraa sharci caddaynaya awoodda gannaaxa iyo heerka la gaadhsiin karo?, Arrimahaasi oo dhan ayaa runtii u baahan in si caqli ah laysku dul taago”.

Sh Xasan Cabdisalaan oo Wargeyska Himilo weydiiyey shidaalkani waxa uu kaga duwanyahay shidaaladii hore dalka loo keeni jiray, ayaa waxa uu ku jawaabay “Shidaalkan waxa ku badan Oxygen-ta (Ogsajiin), shidaalka Oxygen-ta ku jirta heerka laga doonayo inuu taagnaado, shuruudaha (Somaliland) inoo yaalla kumay caddayn, qoraalka hab tayeedka Berbera u yaalla, xaddiga Oxygen-ta shidaalka ku jiri kartaa kumuu caddayn”.

Sh Xasan waxa kale oo uu ka hadlay inay shirkad ahaan ogaayeen dhibaatada uu shidaalkani geysan karo, “Shidaalkani dhibta uu geysan karo xogogaalnimadiisa iyo ka war hayntiisa kolley annaga shirkad ahaan noomay caddayn, balse Shidaalkan waxaanu u raacnay shuruudihii noo yaalay ee ahaa inaanu keeno shidaal noocaasi ah oo tilmaamahaasi leh, Markii aanu keenay shidaalkan ee uu soo joogsaday Berbera in shidaalkan Oxygen-tu ku badan tahay maanaan qarin oo shahaadadii tayada ee shidaalkan lanaga soo siiyey ayey ku caddayd inay Oxygen-tu ku badan tahay oo wax aanu qarinayno may ahayn, isla-markiina waanu u gudbinay warqaddaasi Laabka (Shaybaadhka) waxaanu Laabku noo qoray ogolaanshiiyo ah shidaalkan ee ah waad ku shubi kartaan oo waad dejin kartaan, shidaalkaasi bil iyo badh ayuu taagnaa oo uu sugayey meel lagu shubo, mar labaad ayey haddana dib u baadheen oo waxay noo qoreen qoraal kale oo ay ku leeyihiin shidaalkan waad ku shubi kartaan, haddaba, annagu marka aanu helno ogolaanshiiyaha ku shubista ee uu gacantayada ka baxo ee uu uu haamaha ku wareego annaga awoodayada wuu ka baxay, markaa awoodda ogolaanshaha dejinta iyo diidmada dejinta shidaalka waxa iska leh Laabka oo horena way u jirtay inuu shidaal diido oo uu celiyo, waxaana jirtay in wax yar oo aan saamayn badan lahayn in muddo hore shirkadaha Red sea, Hass, & Cali-waraabe loogaga celiyay shidaal”.

Sh Xasan, haddii Laabku idinka diidi lahaa dejinta shidaalkan maxaad yeeli laheydeen, “Haddii Laabku naga diido qasab ayey nagu aheyd oo baryo may lahayn, cid ku qasbi karta iyo cid diidi kartaana ma jirto, sida uu shidaalkani kusoo degayse waa ogolaanshiiyaha ciddii awooda u laheyd ay ku ogolaatay ee annagu awooda dejinta maanu lahayn, Sida aanu dalka ku keenayna waxa weeyi in aanu khilaafsanayn shuruuudihii loo dhigay ee aheyd oo kaliya arrin kale oo ka dheeraad ah, dhibta ay geysan kartona annagu maanu sii ogeyn, ciddii se ogaan laheyd ee awoodaasi laheydna annaga may aheyn ee waa ciddii shaqadaasi laheyd ee noo ogolaatay”.

Sh Xasan waxa kale oo Wargeyska Himilo weydiiyay sida ay u arkaan eeda uu Wasiirka Ganacsig u jeediyey ee ah inay ogaayeen in shidaalkani xunyahay, “Waa been, oo waxba kama jiraan, labada arrimood ee uu Wasiirku u cuskaday gannaaxayaga, waayo, waanu ogeyn oo waanu u cadaynay in shidaalkan Oxygen-tu ku badantahay ee maanu sii ogeyn inuu dhibaatadan geysan karo, sidoo kalena hab tayeedka Berbera muu khilaafsanayn oo ma odhanayo waa in Oxygen-ta shidaalka ku jirtaa intaa ay ahaataa, haddii ay jiraan maxaa loo odhan waayey joojiya oo celiya”.

Dhinaca kalena, Sh Xasan oo Wargeyska Himilo weydiiyey haddii ay marka horeba ogaayeen in shidaalkan Oxygen-tu ku badantahay sababta ay dalka u keeneen, iyo inay tahay dayacaad masuuliyadeed, “Waxa isweydiin leh shidaal Oxygen-tiisu sarrayso ma la isticmaalaa, dalkeena se hore miyuu u yimid, dhibaato se miyuu u geystay, miyey cadayd inuu dhibaatadan geysan karo, waxa weeyi shidaal Oxygen-tiisu sarrayso waa la isticmaalaa oo dan ayaa la moodaabaa, waxaana lagu badbaadiyaa deegaanka, waana su’aal kale maxaad u ogaan weydeen inuu dhibaatadan geysan karo”.

Sh Xasan waxa kale oo uu iftiimiyey heerka Dhibaatada uu shidaalkani geystay, “Shidaalkani markii uu dhibaatada uu geystay ayaa la arkay, wixii uu geystayna waa wax ku xidhan bay’adeena iyo nooca gaadiidka, waayo baabuurta Petrol-ka ku shaqeysa ma wada saameeyo ee waa in kooban oo Injiino iyo awoodo gaar ah leh, xattaa kaalmaha habka ay u keydiyaan ayaa saameyn ku leh, sidaasi awgeed maaha saamayn guud oo ballaadhan, markaa waa shidaal adduunka ka jira oo lagu isticmaalo deegaano iyo gaadiid ku habboon, innagana hore inoogu muu imman jirin, ciddii hawshaasi inoo qaabilsanaydna iyo annagu ba kamaanu barraarugsanayn”.

Sh Xasan sidee ayaad u aragtaan shirkad ahaan gannaaxa Wasaaradda Ganacsiga, “Haddii lanagu gannaaxayo in aanu ognahay inuu xun yahay oo aanu ugu talo galnay, waxaanu leenahay shidaalka Oxygen buu leeyahay maaha xummaan ee waa maado loogu daro inuu wax ku taro, haddii aanu ognahay inay dhibaatadan geysan karto Oxygen—taa ku badani maanu keeneen, gannaaxani wuu na qabtaa oo annaga ayaa leh eedaasi, balse maanu garanayn oo maanu ogeyn, laakiinse ciddii xaq loogu lahaa inay qabato ay qaban weyday, wixii ka dhashay waxay aheyd in si dabiici ah laysku weydiiyo, ee xaq la nooguma lahayn in annaga (Red Sea) in eed gaar ah lanagu saaro, waxase xaq la noogu lahaa shidaalkan aad keenteen waa sax maahee celiya, waxaananu ka dacwiyeynaa gannaaxan dood lanama siin iyo in aanu is difaacno, mana garanayno qodob la noo cuskaday oo gannaaxaasi lagu salleeyayna iyo awooda sharci ee cidda soo saartay, waxaananu u arkaynaa arrin daw darro ah”.

Dhinaca kale, Sh Xasan Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen arrintan, “Maxaa la baadhayey, miyuu qarsoonaa in shidaalkani Oxygen leeyahay, markii u horreysay ba waanu u cadaynaye, baadhistaasina waxba kamaanu ogeyn oo shirkad ahaan cid noogu timid ama noo yeedhay ma jirto oo wax naga weydiisay ma jirto, waxase wax laga weydiiyey Laabka iyo shirkadan Haamaha maamusha”.

Ugu dambayntii, Sh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah mulkiilayaasha shirkada Red Sea ee shidaalka soo dejisa waxa uu soo Wargeyska Himilo u sheegay qorshaha ay ku wajahayaan gannaaxan iyo waxay ka yeelayaan, “Wallaahi, annagu aad ayaanu uga xunahay dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay shidaalkaasi, waliba waxaanu jeclaan lahayn in si cilmi ah oo xigmad leh in wax loo daweeyo, diyaarna waanu u nahay wixii daw ah ee wax lagu haggaajinayo, annagana (Red sea) cashar ayey noo tahay oo waxay noqon doontaa in aanu wixii dambe aad u feejignaano, aadmiguna wuu qaldami karaa oo kow iyo labaatan sanadood waa qaladkii noogu horreeyay ee lanagu dhaliilo, markaa waa in dawladu caqligan ay dadka dhabarka ku jabinayso inay ku bedasho caqli ah dadkii waxyeeladu gaadhay sidee ayeynu wax ula qabanaa oo aynu wixii xummaaday u haggaajisanaa oo aynu u saxanaa, laakiinse waxaanu leenahay go’aankan darriiqo sharci ah la nooguma soo marin ee sharciga hala noo soo maro, annaguna shirkad ahaan waxaanu ku wajahi doonaa si sharciga dalka Somaliland waafaqsan”. Ayuu yidhi Sh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkada soo dejisa shidaalka ee Red Sea

Leave a Reply