SOMCABLE

Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Ucid Oo Burco Ka Furmay Iyo Hadaladii Laga Jeediyey

Burco, 29 August, 2019 (Himilo)-Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Shirkan oo ah kii toddobaad ee golaha Dhexe ee xisbiga UCID uu yeesho ayaa waxa ka soo qayb galay 157 xubnood oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada kale ee Somaliland, guddida diiwaangalinta ururada iyo marti sharaf.

Ugu horreyn, waxa munaasibadaasi ka hadlay Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Muuse (Jiir), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Waa kalfadhigii 7aad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID, 181 xubnood ayuu ahaa tirada golaha dhexe, saddex meeloodow laba in ka badan ayaa joogta oo waxa jooga 157 ayaa fadhiya oo inoo fadhiya sidaasi ayaanu kooramku inoogu buuxaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe, ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo durruufaha ku geddaaman, waxaanu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Nabadgelyada iyo waliba xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Xisbiga Ucid muddadii uu jiray.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa kale oo uu khudbadiisa kaga hadlay kalfadhigan toddobaad ee xisbiga UCID waxaanu yidhi, “Marna ismaan odhan Kulmiyey ku noqon doontaa Siilaanyey ku noqon doontaa, Muuse Biixi ayey ku noqon doontaa waligay ismaan odhan ee idinkaa ku celiyey, waxay yidhaahdaan Soomaalidu ‘ninkay maqal kala quusteen ayey geella u diraan”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Ugu dambeyntiina, Masuuliyiin ka kala socotay Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye iyo Marti sharaf kale ayaa si weyn uga hadlay madasha furitaanka shirka golaha dhexe ee toddobaad ee Xisbiga Ucid.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply