SOMCABLE

Shimbir Qudha Ka Jaray Ninkii Korsaday Ee Xanaanayn Jiray!

Nin 70 jir ah ayaa waxa qudha ka jaray shimbir uu rabaynayey, shimbirkan ayaa qaab ahaan u eeg xuurta balse waa uu ka qoor dheer yahay Shimbirkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Ostrich.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Alachua ee Waqooyiga Gobolka Florida ee dalkaasi Maraykanka, ninkan ayaa waxa loogu tagay gurigiisa isagoo nabaro uu shimbirkaasi gaadhsiiyey ay ka muuqdaan.

Ninkaasi 70 jirka ahaa ayaa waxa magaciisa la odhan jiray Marvin Hagos waxa aanu caan ku ahaa rabaynta shimbiraha.

Hagos ayaa waxa la geeyay dhakhtar u dhawaa waxaanu ku geeriyooday dhakhtarkaasi, baadhis hordhac oo ay sameeyeen ciidanka Bileyska ee gobolkaasi ayaa waxay ku sheegeen inuu u geeriyooday dhawacyadaasi shimbirku soo gaadhsiiyay waxa aanay ku tilmaameen dhimashada Hagos inay aheyd mid aad u xanuun badneyd.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply